Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Farriin ku saabsan maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta kuwa geysta dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Farriin ku saabsan maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta kuwa geysta dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New York – Munaasabadda sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Soo Afjaridda Ciqaab La’aanta Kuwa Geysta Dembiyada Ka Dhanka ah Saxafiyiinta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay, wuxuu wajahayaa caqabad cusub: oo ah COVID-19.

Cudurka safmareenka ah si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo halis ku ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, xataa iyadoo ay korodhay tirada weerarrada lagu hayo badqabkooda jir ahaaneed. Waxaa dhacay ugu yaraan 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo barkii hore ee sannadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil. Waxaa sidoo kale jiray xakamayn dheeraad ah oo lagu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goobihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxkamadayn waayo kuwa geysta dembiyada iyaga ka dhanka ah.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doonaa. Haddii aynaan saxafiyiinta ilaalin, waxaa carqalad ba’an ku iman doonta awoodda aan u leenahay inaan xog-ogaal ahaano iyo inaan qaadano go’aanno caddeymo ku saleysan. Marka ay saxafiyiintu shaqadooda si badqab ah u gudan karin, waxaan waayaynaa arrin muhiim ah oo naga difaacda cudurka safmareenka ah ee warxumatashiilka ama wararka qaldan iyo xogta beenabuurka ah ee ku faaftay shabakada internetka.

Wararka iyo falanqaynta xaqiiqada ku saleysan waxay ku tiirsan yihiin ilaalinta iyo badqabka saxafiyiinta qabanaya shaqada soo tebinta wararka, eek u qotonta mabda’a asaasiga ah ee: “saxafinimo aan cabsi iyo eex lahayn”.

Iyadoo uu adduunku la dagaallamayo cudurka safmareenka ah ee COVID-19, waxaan ku celinayaa baaqeygii aan ku baaqay saxaafad xor ah oo kaalinteeda lagama maarmaanka ah ka caari karta nabad, cadaalad, horumar la joogtayn karo iyo xuquuqul insaan.

Previous Post

Munaasabad lagu maamusayo dhalashada Nabi Maxamed ( NNKH) oo lagu qabtay Koofur Afrika.

Next Post

Taliye Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada loo diyaariyay ee Puntland

Next Post
Taliye Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada loo diyaariyay ee Puntland

Taliye Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada loo diyaariyay ee Puntland

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In