Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Farriin ku saabsan maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta kuwa geysta dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Farriin ku saabsan maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta kuwa geysta dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New York – Munaasabadda sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Soo Afjaridda Ciqaab La’aanta Kuwa Geysta Dembiyada Ka Dhanka ah Saxafiyiinta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay, wuxuu wajahayaa caqabad cusub: oo ah COVID-19.

Cudurka safmareenka ah si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo halis ku ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, xataa iyadoo ay korodhay tirada weerarrada lagu hayo badqabkooda jir ahaaneed. Waxaa dhacay ugu yaraan 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo barkii hore ee sannadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil. Waxaa sidoo kale jiray xakamayn dheeraad ah oo lagu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goobihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxkamadayn waayo kuwa geysta dembiyada iyaga ka dhanka ah.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doonaa. Haddii aynaan saxafiyiinta ilaalin, waxaa carqalad ba’an ku iman doonta awoodda aan u leenahay inaan xog-ogaal ahaano iyo inaan qaadano go’aanno caddeymo ku saleysan. Marka ay saxafiyiintu shaqadooda si badqab ah u gudan karin, waxaan waayaynaa arrin muhiim ah oo naga difaacda cudurka safmareenka ah ee warxumatashiilka ama wararka qaldan iyo xogta beenabuurka ah ee ku faaftay shabakada internetka.

Wararka iyo falanqaynta xaqiiqada ku saleysan waxay ku tiirsan yihiin ilaalinta iyo badqabka saxafiyiinta qabanaya shaqada soo tebinta wararka, eek u qotonta mabda’a asaasiga ah ee: “saxafinimo aan cabsi iyo eex lahayn”.

Iyadoo uu adduunku la dagaallamayo cudurka safmareenka ah ee COVID-19, waxaan ku celinayaa baaqeygii aan ku baaqay saxaafad xor ah oo kaalinteeda lagama maarmaanka ah ka caari karta nabad, cadaalad, horumar la joogtayn karo iyo xuquuqul insaan.

Previous Post

Munaasabad lagu maamusayo dhalashada Nabi Maxamed ( NNKH) oo lagu qabtay Koofur Afrika.

Next Post

Taliye Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada loo diyaariyay ee Puntland

Next Post
Taliye Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada loo diyaariyay ee Puntland

Taliye Xijaar oo kormeeray xarumaha doorashada loo diyaariyay ee Puntland

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In