Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Sideed qof oo lagu riday xakunno kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 26, 2017
in Wararka
0
Gaalkacyo: Sideed qof oo lagu riday xakunno kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukunadaan oo isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ayaa waxaa maanta maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug ee dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ay ku riday ilaa 8 ruux oo isugu jiray kuwa ka ganacsan jiray waxyaabaha Maanka dooriya iyo kuwa jidgooyin sharci dara ah oo ay dhigteen inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Cadaado, kuwaasi oo dhac u geystay dad shacab ah o halkaasi ku safrayay.

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay raggan kuwaasi oo maanta horkeenay Maxkamadda.

Related posts

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025

Kaaliyaha Maxakamadda darajada kowaad ee Gobalka Mudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe ayaa ku dhawaaqay xukunka siddeedda ruux, kuwaasi oo lku eedeysnaa waxyaabaha Maanka dooriya iyo kiiskale oo la xiriira dhac.

1; Axmed Sheekh Daahir oo loo yaqaano Madoobe ina Dhoofa Xasan 36 jir ku dhashay Dhuusa Mareeb Dagan galkacyo markeey aragtay maxkamadu kitaabka Minhaajka Juska Afaraad bogga 535 waxay ku xukuntay 2 sano oo xarig ah iyo toban Milyan oo shilinka Soomaaligaa

2′ Nasteexo Cawil Sooyaan ina Suldaano Nuur 38 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Galkacyo, maadaama uu yahay gurigeeda meesha lagu sameeyn jiray calaqa ayna qiratay lagu soo qabtay agabkii lagu karinayay, waxay maxkamaddu ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo 5 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah.

3;C/fitaax Siciid Cabdi ina Xaawo Cabdikariin 32jir ah ku dhashay Gaalkacyo degan Gaalkacyo, maadaama uu is hortaagay ciidankii ammaanka xilligii howlgalka ay ku jireen uuna qirtay, falka lagu soo eedeeyay waxay maxkamadu ku xukuntay 6 bilood oo xabsi ah iyo 5 Milyan oo shilinka Soomaaliga.

4; Cumar Maxamed Cali ina Muslimo Cumar 35jir ah ku dhashay Muqdisho dagan Gaalkacyo markuu qirtay in uu cabo waxyaabaha Maanka dooriya waxay maxkamaddu ku xukuntay 40 karbaash, hal sano oo xabsiya iyo 5 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah.

Sidoo kale waxay maxkamadu xukun ku riday 4 eedeeysana oo kala ahaa Mustaf Ciise Axmed ina Sahro Sheekh Nuur 22 jir ku dhashay saddex Higlo dagan Gaalkacyo, Maxamed Cabdi Cilmi ina Caasho Jaamac 18 jir ah ku dhashay saddex Higlo dagan isla saddex Higlo, Axmed Cabdi Tahliil ina Sacdiyo Axmed 29 jir ah ku dhashay saddex Higlo dagan Gaalkacyo, Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ina Aamino Maxamed 18 jir ah ku dhashay Galinsoor dagan Galinsoor kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay jidgooyo dhigteen inta u dhaxeeysa Gaalkacyo iyo Cadaado isla markaana ay dhac u geysteen dad shacab ah oo halkaasi ku safrayay markii la helay marqaati iyo cadeyn waxay maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug ay ku xukuntay in la jaro lug iyo gacan isdhaaf ah iyo xabsi labo sano ah.

Ugu dambeyn Kaaliyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobalka Mudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan karo muddo 30 cisho gudohooda ciddi dacwo ka qabta xukunka maxkamada ay maanta riday.

C/risaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Fanka Iyo Suugaanta ee Radio Muqdisho.

Next Post

Xarunta Maamulka Internet-ka Hay’adda Dowladda oo la hirgeliyay

Next Post
Xarunta Maamulka Internet-ka Hay’adda Dowladda oo la hirgeliyay

Xarunta Maamulka Internet-ka Hay'adda Dowladda oo la hirgeliyay

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

July 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In