Thursday, August 11, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Gaddiidka Oo Gaartay Guushii Labaad

April 7, 2018
in Ciyaaraha, Wararka
0
Gaddiidka Oo Gaartay Guushii Labaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Kubada cagta Gadiidka ayaa adkaatay kulankeedii labaad ee horyaalka premier league Somalia kulan galabta ay la Ciyaartay kooxda Jenyo.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

August 11, 2022
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

August 11, 2022

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa qaybtii hore lagu kala nastay 3-2 oo ay hogaanka ku haysay kooxda Gadiidka oo ka Carareyso in ay ka Soo Muuqato Horyaalka Heerka labaad Xili Ciyareedka Soo Socda.

Qaybtii Labaad markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Jenyo waxay isku dayday in ay soo gudo goolasha lagu leeyahay balse taasi ma dhicin oo Gadiidka ayaa Meeshedii ka sii wadatay Bandhiga Goolasha ee galabta waxaana Jenyo loogu daray Sadex kale oo ka dhigtay Natiijada Ciyaarta 6-3 oo ay guusha ku raacday kooxda Gadiidka oo Galabta ay u shidneyd gagada Banaadir dhanka kale Goolasha Gadidka laba ka mid waxaa saxiixay Bille Muxudiin Buraale kaasi oo ahaa galabta xidiga ugu wanaagsan garoonka.

Jenyo waa guuldaradii shanaad ee soo gaarto horyaalka Soomaaliya 12 kulan oo ay ciyaartay ayadoo sidoo kale jenyo oo anan lagu lahayn wax gool ah kulankaan ka hor haatan lagu yeelan doono 3 gool oo dheeri ah lagana doonayo in ay soo gudo.

Guusha Gadiidka ayaa waxaa ay ka dhigan tahay in ay Soo dhaqaaqday kaalinta 7-aad ee kala horeynta horyaalka Soomaaliya ayadoo ay isku dhibco yahiin kooxda Madbacadda oo dhanka goolal tirsiga kaalinta 9-aad maadama kooxda Gadiidka lagu leeyahay 12 gool halka kooxda madbacada lagu leeyahay 13 gool inkastoo kooxda Madbacadda kulanka 12-aad ay la ciyaari doonto kooxda Heegan.

Gadiidka Waa Markii labaad oo ay adkaato 12 kulan oo ay Ciyaartay horyaalka Soomaaliya ayadoo guusha galabta  ay gaartay ay ahayd mid muhiim u ah kooxda Gadiidka waayo waxaa ay ka faa,ideysanaysaa kulanka Madbacadda ay la ciyaari doonto kooxda Horseed hadii Madbacadda laga adkaado waxay ku wareejin doonta booska loogu laabto horyaalka heerka labaad.

Previous Post

Golaha Aqalka sare oo maanta warbixin ka dhageystay Danjire Cali Siciid Fiqi

Next Post

Shir looga hadlayo dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Baydhabo+Sawirro

Next Post
Shir looga hadlayo dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Baydhabo+Sawirro

Shir looga hadlayo dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Baydhabo+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

August 11, 2022
0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer shaqo ku tagay Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan. Jeneraal...

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

August 11, 2022
0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Saciid Xuseen Ciid...

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

August 11, 2022
0

إنا لله وإنا إليه راجعون   Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyootay Xaliimo Shire Cabdi oo ka tirsaneyd howlwadeennada wasaaradda...

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

August 11, 2022
0

Munaasabad ey goobjoog ka ahayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, taliska booliska Cadaado, Guddoomiyaha degmada Baxdo, Golaha degaanka Degmada Cadaado, qaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In