Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug: Al Shabaab waxay dhirbaaxo kulul kala kulantey Ciidanka maamulka Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo booqday deegaanka Gelinsoor ee G/Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 March 2016: Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegtay in dagaalka lagula jiro Al Shabab aan la joojin doonin ilaa iyo inta firxadka kooxdaasi argagixisada ah laga sifeynayo guud ahaan degaanka uu maamulka ka taliyo.

Madaxweynaha Galmudug , Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay dhirbaaxo culus ku dhufteen argagixisada Al Shabaab dagaaladii ugu dambeeyay ee degaanka ka dhacay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Waxaa cadowga dagaalkii ilaa shaley socday looga dilay ilaa iyo 60 maliishiyaad, iyadoo ilaa iyo 38 maxbuusna laga qabtey. Hubkii ay siteen laga furtey, waxaana u mahad celinayaa shacabka oo iyaguna door aad u weyn ka cayaaray inay dhulkooda u diidaan inuu cadowga sal dhigto’’, ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Degaanadda sida ba’an loogu jebiyay maliishiyada naf la caariga ah ee Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ah Dinooda, Jiray, Bali- Hawd iyo Galhagoog.

Maliishiyaadka cadowga ku ah nabadda iyo horumarka ummadda ee Al Shabaab ayaa markii lagu jebiyay degaanka maamulka Puntland u soo baxsadey dhanka Galmudug, iyadoo ujeedkooda uu ahaa inay ku dhuumaaleystaan halkaasi, kadibna ay ka fuliyaan falalkooda arxan darrada ah ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ugu dambeyn u sheegay shacabka reer Galmudug in walow Al Shabaab lagu jebiyay degaanka Galmudug, haddana loo baahanyahay in gacan weyn laga geysto hawlgalka guud ee milateri ee dalka oo dhan looga xorreynayo Al Shabaab.

 

Previous Post

Barnaamijka Kulanka todobaadka ee warbaahinta Dowladda oo todobaadkan looga hadlay abaaraha dalka ka jira”Dhageysi iyo Sawirro

Next Post

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Next Post
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In