Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo deegaanka Saaxa-wanaag ka dhagax dhigtay Dugsi Hoose iyo Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo deegaanka Saaxa-wanaag ka dhagax dhigtay Dugsi Hoose iyo Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelida baahiyaha Waxbarasho ee ka jira deegaanada Gobolka Mudug qaarkood iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa Waxbarida Carruurtooda ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee maamulka Galmudug ay ku tageen deegaanka Saaxa-wanaag oo ka mid ah deegaanka dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiintaan ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay indha idheyn ku sameeyeen goobaha Waxbarashada gaar ahaan Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ah.

Kormeerka ka dib ayaa waxaaa mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal kullan xog wareysi ah la qaateen Bulshada ku nool deegaanka Saaxa-wanaag ee ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa Bulshada ay la kulmeen uga warbixiyay ujeedka booqashadooda,isagoona sheegay in marka hore ay ku faraxsan yihiin iney soo booqdaan deegaanka Saaxa-wanaag hadana ay Bulshada kala kulmaan soo dhoweyn diiran.

Wuxuuna tilmaamay inta ay ku guda jireen kormeerkooda ay arkeen in baahi weyn oo dhanka Waxbarashada ay ka jirto deegaanka Saaxa-wanaagsan,taasi oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo loona hirgeliyo Bulshada goobo waxbarasho si loo kobciyo maskaxda jiilka deegaankaasi.

Ugu danbeyntii,Wasiiru Dowlaha Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Galmudug iyo mas’uuliyiintii ku wehlineysay booqashada waxay si rasmi ah u dhagax dhigeen xarun Dugsi hoose iyo dhexe oo lagu wado in deegaanka Saaxa-wanaag laga hirgeliyo Mustaqbalka dhow.

Previous Post

Shir looga hadlayo xaaladda Amniga K/Galbeed oo ka furmay Baydhabo

Next Post

Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay

Next Post
Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay

Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In