Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo deegaanka Saaxa-wanaag ka dhagax dhigtay Dugsi Hoose iyo Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo deegaanka Saaxa-wanaag ka dhagax dhigtay Dugsi Hoose iyo Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelida baahiyaha Waxbarasho ee ka jira deegaanada Gobolka Mudug qaarkood iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa Waxbarida Carruurtooda ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee maamulka Galmudug ay ku tageen deegaanka Saaxa-wanaag oo ka mid ah deegaanka dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiintaan ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay indha idheyn ku sameeyeen goobaha Waxbarashada gaar ahaan Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ah.

Kormeerka ka dib ayaa waxaaa mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal kullan xog wareysi ah la qaateen Bulshada ku nool deegaanka Saaxa-wanaag ee ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa Bulshada ay la kulmeen uga warbixiyay ujeedka booqashadooda,isagoona sheegay in marka hore ay ku faraxsan yihiin iney soo booqdaan deegaanka Saaxa-wanaag hadana ay Bulshada kala kulmaan soo dhoweyn diiran.

Wuxuuna tilmaamay inta ay ku guda jireen kormeerkooda ay arkeen in baahi weyn oo dhanka Waxbarashada ay ka jirto deegaanka Saaxa-wanaagsan,taasi oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo loona hirgeliyo Bulshada goobo waxbarasho si loo kobciyo maskaxda jiilka deegaankaasi.

Ugu danbeyntii,Wasiiru Dowlaha Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Galmudug iyo mas’uuliyiintii ku wehlineysay booqashada waxay si rasmi ah u dhagax dhigeen xarun Dugsi hoose iyo dhexe oo lagu wado in deegaanka Saaxa-wanaag laga hirgeliyo Mustaqbalka dhow.

Previous Post

Shir looga hadlayo xaaladda Amniga K/Galbeed oo ka furmay Baydhabo

Next Post

Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay

Next Post
Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay

Taliyaasha Booliska,Nabad Sugidda iyo Asluubta oo la magacaabay

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In