Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo ku dhawaaqday in dagaalkii firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Galmudug ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii lagula jiray firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray. Ciidamada GalMudug oo muddo afar maalmood ah dagaal kula jiray firxadkii kooxihii argagaxisada ee ka soo cararay dhinaca Puntland ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan iyadoo halkaas looga guuleystay oo looga dilay 115 maleeshiyada ah, loogana qabtay maxaabiis gaaraya 110, halka in-yar ay baxsadeen.

Madaxweynaha Dowlada Galmudug ee Soomaaliya mudane Cabdikarin Xuseen Guled ayaa ammaanay ciidanka Galmudug sheegeyna in dagaalkii afartii maalmood uu soo gabogaboobay ka dib markii argagaxisada looga itaal roonaaday. Madaxweyne Guuleed ayaa yiri “Shacabka iyo Dowladda Galmudug waxey aad u ammaanayaan ciidamada GalMudug oo si geesinimo leh mudo afar maalmood ah ku soo afjaray dagaal ay kula jireen kooxaha argagaxisada ah oo ka soo firxaday Puntland isla markaasna rabay inay deegaanada Galmudug ku soo dhuumaaleystaan si ay isu abaabulaan oo ay u wadaan argagaxa ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. dagaalkii socday 4ta maalmood ciidanku waxey dagaalka ku dileen 115 kooxda argagaxisada ah, waxaana laga soo qabtay 110 maxaabiis ah oo ciidanka iyo maamulkaba ay ula dhaqmayaan si waafaqsan diinta Islaamka, shuruucda dalka iyo shuruucda caalamka oo la dhowrayo xaquuqdooda isla markaasna loola dhaqmayo si wanaagsan. Hase yeeshee waxaa jira maleeshiyaad yar oo firxad ah oo baadiyaha u baxsaday.”

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Galmudug ee Soomaaliya ay ka go’antahay sidii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada GalMudug isla markaasna ay ciidamada Galmudug diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii deegaanada kale looga taageeri lahaa isla markaasna loola wadaagi lahaa macluumaadka si dalka oo dhan looga saaro kooxahan caadeystay inay argagax ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay istraatejiyadooda tahay inay culeys weyn soo saaraan gobollada waqooyi oo ay saldhig ka dhigtaan Puntland iyo Somaliland oo nabad ah. Damacooda ayaa ah inay gobollada dhexe fariisin ka sameystaan oo ay isagu gudbaan koofurta iyo waqooyiga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka, dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay gacan xoogan ka geystaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah si looga sifeeyo dalka oo dhan. Madaxweyne Guuleed ayaa yiri “guushan ay ciidamada Galmudug ay afartii maalmood ka gaareen iyo guulihii ka horeeyey ee ciidamada Puntland ka gaareen waa kuwo u baahan in la joogteeyo oo laga hor istaago argagaxisada inay dib isu aruursadaaan oo isku abaabulaan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan ciidamada. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka in loo baahanyahay in la sii joogteeyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah oo maalmo gudahood aan ku helnaa dhammaan tasiilaadkii ciidanku u baahnaayeen sida rasaas, hub, gaadiid, iyo diyaaradihii dagaalka si kooxaha argagaxisada ah looga hortago inay is-urursadaan oo dib isu soo abaabulaan. Waqtiga aad buu u cararayaa, guulaha la gaarayna waxey u baahanyihiin in la joogteeyo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan maleeshiyaadka loo fidinayo cafis haddii ay nabada qaataan oo ay isu soo dhiibaan ciidamada. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Waxaan ognahay in kooxaha argagaxisada ah ay caruurta iyo dhalinyarada qaldaan oo ay dagaal geliyaan aan ujeedo laheyn. Sidaas daraadeed, Dowladda GalMudug waxey ugu baaqeysaa in dhalintaas ay nabada qaataan oo ay ciidamada isu soo dhiibaan, iyagoo loola dhaqmayo si wanaagsan. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug sidii gacan nabadeed loogu fidin lahaa cid allaale iyo cidii ka tanaasusha dagaalada oo doonaya inay nabada ka howlgalaan.”

DHAMAAD

 

Previous Post

Saanad ciidan oo la gaarsiiyay degmada Bardaale

Next Post

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

Next Post
Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In