Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo ku dhawaaqday in dagaalkii firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Galmudug ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii lagula jiray firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray. Ciidamada GalMudug oo muddo afar maalmood ah dagaal kula jiray firxadkii kooxihii argagaxisada ee ka soo cararay dhinaca Puntland ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan iyadoo halkaas looga guuleystay oo looga dilay 115 maleeshiyada ah, loogana qabtay maxaabiis gaaraya 110, halka in-yar ay baxsadeen.

Madaxweynaha Dowlada Galmudug ee Soomaaliya mudane Cabdikarin Xuseen Guled ayaa ammaanay ciidanka Galmudug sheegeyna in dagaalkii afartii maalmood uu soo gabogaboobay ka dib markii argagaxisada looga itaal roonaaday. Madaxweyne Guuleed ayaa yiri β€œShacabka iyo Dowladda Galmudug waxey aad u ammaanayaan ciidamada GalMudug oo si geesinimo leh mudo afar maalmood ah ku soo afjaray dagaal ay kula jireen kooxaha argagaxisada ah oo ka soo firxaday Puntland isla markaasna rabay inay deegaanada Galmudug ku soo dhuumaaleystaan si ay isu abaabulaan oo ay u wadaan argagaxa ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. dagaalkii socday 4ta maalmood ciidanku waxey dagaalka ku dileen 115 kooxda argagaxisada ah, waxaana laga soo qabtay 110 maxaabiis ah oo ciidanka iyo maamulkaba ay ula dhaqmayaan si waafaqsan diinta Islaamka, shuruucda dalka iyo shuruucda caalamka oo la dhowrayo xaquuqdooda isla markaasna loola dhaqmayo si wanaagsan. Hase yeeshee waxaa jira maleeshiyaad yar oo firxad ah oo baadiyaha u baxsaday.”

Related posts

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Galmudug ee Soomaaliya ay ka go’antahay sidii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada GalMudug isla markaasna ay ciidamada Galmudug diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii deegaanada kale looga taageeri lahaa isla markaasna loola wadaagi lahaa macluumaadka si dalka oo dhan looga saaro kooxahan caadeystay inay argagax ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay istraatejiyadooda tahay inay culeys weyn soo saaraan gobollada waqooyi oo ay saldhig ka dhigtaan Puntland iyo Somaliland oo nabad ah. Damacooda ayaa ah inay gobollada dhexe fariisin ka sameystaan oo ay isagu gudbaan koofurta iyo waqooyiga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka, dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay gacan xoogan ka geystaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah si looga sifeeyo dalka oo dhan. Madaxweyne Guuleed ayaa yiri β€œguushan ay ciidamada Galmudug ay afartii maalmood ka gaareen iyo guulihii ka horeeyey ee ciidamada Puntland ka gaareen waa kuwo u baahan in la joogteeyo oo laga hor istaago argagaxisada inay dib isu aruursadaaan oo isku abaabulaan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan ciidamada. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka in loo baahanyahay in la sii joogteeyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah oo maalmo gudahood aan ku helnaa dhammaan tasiilaadkii ciidanku u baahnaayeen sida rasaas, hub, gaadiid, iyo diyaaradihii dagaalka si kooxaha argagaxisada ah looga hortago inay is-urursadaan oo dib isu soo abaabulaan. Waqtiga aad buu u cararayaa, guulaha la gaarayna waxey u baahanyihiin in la joogteeyo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan maleeshiyaadka loo fidinayo cafis haddii ay nabada qaataan oo ay isu soo dhiibaan ciidamada. Madaxweyne Guled ayaa yiri β€œWaxaan ognahay in kooxaha argagaxisada ah ay caruurta iyo dhalinyarada qaldaan oo ay dagaal geliyaan aan ujeedo laheyn. Sidaas daraadeed, Dowladda GalMudug waxey ugu baaqeysaa in dhalintaas ay nabada qaataan oo ay ciidamada isu soo dhiibaan, iyagoo loola dhaqmayo si wanaagsan. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug sidii gacan nabadeed loogu fidin lahaa cid allaale iyo cidii ka tanaasusha dagaalada oo doonaya inay nabada ka howlgalaan.”

DHAMAAD

 

Previous Post

Saanad ciidan oo la gaarsiiyay degmada Bardaale

Next Post

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

Next Post
Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In