Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo xukuntay muwaadiniin u dhashey Yeman-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo xukuntay muwaadiniin u dhashey Yeman-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxakamada kutaala magaalada Gaalkacyo ee Galmudug  ayaa Xukun Ku Riday Kalluumeysato udhashay Wadan Yeman,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay si sharci daro ah uga kalluumeysanaya.

Sedax Badmaaxiyaashan oo tiradooda ah sedex qof oo u dhashay  wadanka yeman lana shaqeeynayay Dooni lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 isla markaana si sharci dara ah uga kalluumeeysanayay xeebaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa maxkamada Gobalka Mudug ee Galmudug ay ku xukuntay xukuno isugu jira xabsi iyo Ganaax lacageed.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Badmaaxiyaashani  oo  2dii bishii October ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug ayaa waxaa xukunkooda  ku dhawaaqay kaaliyaha Maxakamada Sare ee Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe kadib markii maxkamada la horkeenay ayna qirteen danbiga loo heystay sida uu xusay waxaana kaaliyuhu uu sheegay markii maxkamadu ay heshay cadeeyn marqaati iyo qiraalba in maxakamadu ay ku xukuntay sadaxdaan badmaax kiiba 2sano oo xabsiya iyo 2kun oo doolar waxaa sidoo kale maxakamadu ay ku xukuntay Doonidii ay la shaqeeynayeen sadaxdaan badmaax oo lagu magacaabo Al Ikhlaas 1 konton kun oo doolar (50.0000$).

Intaas kadib waxaa iyaguna la hadlay warbaahinta Wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka Maxamed Cabdi Maxamed iyo Wasiirka wasaarada Gadiidka Badda iyo Dakadaha Galmudug Maxame Aadan Qalabxoor waxayna uga mahad celiyeen Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug howlgalkaan iyo howlgalada kale ee lagaga hortagayo xaalufinta Kheyraadka badaha Soomaaliyeed.

Waxay ugu baaqeen madaxda Galmudug iyagoona mahad celin kadib ugu baaqay Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad gobaleedyadu in ay iska kaashadaan la dagaalanka Burcad  kalluumeysiga xaalufinta ka wada badda wadankeena isla markaana loo baahan yahay in sida argagixisada la dagaalankeeda laysaga kaashanayo loogu midoobo ka hortagista kalluumeeysiga kheyraadka Badda soomaaliya.

Previous Post

5 days Consultative Meeting on Media Development concluded in Mogadishu, Somalia

Next Post

Donald Trump oo ka hadlay weerarkii lagu dilay 26 qof

Next Post
Donald Trump oo ka hadlay weerarkii lagu dilay 26 qof

Donald Trump oo ka hadlay weerarkii lagu dilay 26 qof

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In