Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsade Soomaali ah oo daqiiqado ka hor lagu dilay dalka K/Africa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Soomaali ah oo daqiiqado ka hor lagu dilay dalka K/Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Warar naga soo gaaray xaafada Khaliija ee magaalada Cape Town waxaa ay sheegayaan in daqiiiqado ka hor halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaali ah oo lagau magacaabi jiray Abuubakar Macalin Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano deegaankaasi.

Koox burcad ah oo dooneysay in ay dhac u geystaan muwaaadinkaan ayaa la sheegay in ay ku sugeysay banaanka hore  ee goobtiiisa ganacsiga isagoo xiligaasi  keenay adeeg uu ka soo iibiyay  magaalada, waxaana wararku sheegayaan in markii uu soo istaagayba iridka hore ee dukaankiisa rasaasta lagu dhuftay .
Burcadda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana ay dhac u geysteen goobta ayaga oo ka qaatay lacago iyo alaabo kale oo fudfud sida kaararka telfoonada lagu shufto.
Ciidamada Police-ka ayaa halkaasi soo gaaray waxaana la sheegay in ay bilaaben baaritaano ku aadan sidii ay ganacnta ugu soo dhigi lahaayeen kuwii ka dambeysay dilka Abuubakar Macalin Xasan,
Dilka marxuunkaan ayaa waxaa uu ku soo aadaya xilli wali uu yaalo ispitaalka magaalada Cape Town meydka marxuum C/laahi Macalin Cali oo maalin ka hor lagu dilay magaalada Cape Town sida uu ii sheegay gudoomiyiyaha Save Soomaali Cabdi Calas Maxamuud guure.
Sanadka cusub oo sii maraya maalinti Afaraad ee bisha Janaayo ayaa tirada Soomaalida lagu dilay dalka South Africa waxaa ay sii marayaan ilaa laba Ganacsade oo Soomaali ah.
Previous Post

Dowladda Kenya oo adkeyneysa ammaanka Gobolka Waqooyi bari

Next Post

Qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota magaalada Garowe

Next Post
Qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota magaalada Garowe

Qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota magaalada Garowe

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In