Munaasabadani lagu dooranayay gudoomiyaha gudiga ganacsatada degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir oo maanta lagu qabtay degmadaasi , ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socoday wasaaradda maaliyadda Soomaaliya maamulka gobolka iyo xubno kale.
Cusmaan Maxamed Cawaale Beynoos oo loo doortay gudoomiyaha gudiga ganacsatada degmada X/Weyne ayaa hadal uu ka jeediyay xafladda waxa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta ganacsiga degmadaasi iyo isku xirka dowladda iyo ganacsatadaba.
Gudoomiyaha degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in gnacsatada degmaadaasi looga baahanyahay wada shaqeyn dhexdooda ah iyo inay ka qayb qaataan dhismaha wadooyinka degmada ee u baahan dayactirka maadaama ay roobabkii da,ayay burburiyeen.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caano Geel oo munaasabadda ka qeybgalay ayaa ugu baaqay guud ahaan ganacsatada gobolka degmada iyo kuwa gobolkaba inay si wanaagsan u bixiyaan Canshuurta si loogu horumariyo dhismaha iyo bilicda magaalada Muqdisho.