Waxaa ka furmay kullan wada tashi ah oo la la yeeshay ganacsatada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa looga arrin sanayey doorka ay Ganacsatada Dowlad Goboleedka Galmudug ka qaadan karaan xal-u-helidda bulshada ku barakacday gudaha Galmudug.
Dedaalada uu wado Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta iyo kaalinta ay qaadan karaan ganacsatada deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa diiradda lagu saaray kullanka, maadaama ay jiraan dad badan oo muddooyinkii dambe uga barakacay deegaanadoodii arrimo la xiriira colaadaha, dagaallada iyo is badalka ku yimid cimilada ayna ugu horayso abaarta baahsan ee ka jirta meelo badan oo ka mid ah dalka.
Kalmadda furitaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Mudane Sakariye Shariif, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug Mudane Cabdifatax Cali, guddoomiyaha ganacsatada Degmada Guriceel Mudane Cabdixakiim Cabdullahi, u qaabilsanaha Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta, Maagashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug Liibaan Mahad, Xubin ka socotay Hay’adda Barakacaayasha iyo Qaxootiga Galmudug Kamaludin Cabdullaahi, hawl wadeeno ka socday Wasaaradda Ganacsiga Galmudug, hawl wadeeno ka socda Maamulka Degmada Dhusamareb, xubno ka tirsan Ganacsatada Magaalada Dhusamareb iyo sidoo kale, khubaro iyo hawl wadeeno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.
Ganacsatada iyo mas’uuliyiinta ka soo qayb galay shirkaan wada tashiga ah ayaa boggaadiyay dedaallada socda iyo Istiraatijiyadda ka mira-dhalinta qorshe howleedka Xalka Waara si loo gaaro ujeedooyinka guud ee istiraatijayadda Qaran ee Xalka Waara,, bulshada uu saameyey barakacuna ay u helaan nolol la mid ah midda dadka ay martida u yihiin ee ay ku soo barakaceen.
Xabiibo Cali Yuusuf oo ka tirsan Wasaaradda qorsheynta Qaranka ayaa ugu dambeyn sheegtay in shirkan uu dabasocday dedaalada Xafiiska Xalka Waara ugu jiro fulinta Istraatijiyadda Qaran ee Xalka Waara (2020-2024), kaas oo lagu falan qeeyey habka ugu wanaagsan ee ganacsatada deegaanada Maamuul Goboleedka Galmudug ay uga qayb qaadan karaan Xal-u-helidda dadka ku soo barakacay deegaanada Galmudug iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka sidoo.