Ganacsatadda Xoolaha dhoofisa ayaa ku gacansayray baad ay waydiisteen Kooxda Alshabaab oo ah Neefkasta ay ka siiyaan 18 Dollar, taasoo haddii ay aqbalaanku ah khasaaro xoog leh oo Maaliyadeed Ganacsatadda.
Ganacsade codkiisa iyo magaciisa In la shaaciyo diiday oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa u sheegay inaysan marnaba dhici doonin ayna ogolaan doonin inay qayb ka noqdaan maalgalinta Kooxda Argagixisadda Alshabaab, Waxaana ay kudoodeeninay bixiyaan CanshuurtaDalka, taasoo waxtar u leh Dalka iyo dadka, balse aysan diyaar u ahayninay dhiibaan lacagtii lagu layn lahaa iyaga.
Kooxda Argagixisadda Alshabaab ayaa ku cadaadiya ganacsatadda dalka inay bixiyaan Lacago baad ah oo ay u isticmaalaan xasuuqa shacabka, balse ganacsatadda damiirkoodu noolyahay marna ma aqbalaan.
Dowladda Somalia ayaa si dhow ula socota meelaha ay suuragalka tahay inay Argagixisadu maalgalinta kahelaan, Waxaana jira Sharci uu Baarlamaanka meelmariyay oo qeexaya cidkasta oo maalgalin siisa Argagixisadda in lala wareego hantidooda.