Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida oo bishu tahay 3da April 2021 Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021.
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug
Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...












