Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Boob Loogu Geystay South Africa Oo Dib U Bilaabay Howlahooda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ganacsato Boob Loogu Geystay South Africa Oo Dib U Bilaabay Howlahooda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganacsato Soomaaliyeed oo Dhawaan Boob Hantiyadeed Loogu geystay Deegaano Hoos Yimaada Magaalada Cape town ayaa dib u howlgalinaya goobihii ganacsi ee dhawaan boobka loo geystay.

Wada hadalo qaatay Maalmahii la soo dhaafay ee isbuucaan una dhaxeeyay qaar ka mid ah jaaliyada soomaalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan police-ka xaafada Phillipi iyo waliba gudi ay iska soo xuleen dadka deegaankaasi ee south Africanka ah ayaa ugu dambeyn waxaaa la isla gartay in soomaalida dib ugu soo laaban karaan goobahii ganacsiga ee laga boobay todobaadkii lasoo dhaafay.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Dalka South Africa C/laahi Maxamuud Amiin (C/laahi Qorshe) oo booqday ilaa dhowr xaafadood oo ka tirsan deegaanka phillipi oo lagu boobay goobaha ganacsiga soomaalida waxuuna ku so arkay in baddan raadadkii ay reebeen rabshadahii ka dhacay halkaasi waxaa sido kale halkaasi wali ka muuqday dukaamo badan oo dab la qabad siiyay guud ahaan ku burburay iyo sido kale goobo ganacsi oo si weyn loo bur buriyay.

Qaar ka mid ah ganacsatada soomaalida oo kula kulmay deegaanadaasi kuwaasi oo xilligaa ku mashquulsanaa dhismo ay ku sameynayeen goobihii ganacsiga ee laga gubay iyo sido kale kuwii burburka uu soo gaaray qaarkood ayaa ku mashquulsanaa hagaajinta iyo dajinta alaabihii ay ku iibin lahaayeen goobaha ganacsiga.

Zakariye Maxamed Maxamuud waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada Soomaalida ee ka shaqeynayay xaafada pillipi 24-kii bishii lasoo dhaafay waxaa uu nasiib u yeeshay in uu ka badbaado dukaankiisa oo ay dab qabad siiyeen boqolaal shacab south africaan ah oo careysnaa .

“Xilli maqrib ay aheyd halmar ayaa waxaan arkay dad badan oo ku soo yaacaya dukaanka kaddib waxaan isku daynay in aan ka baxno lakiin dab ayeyba markii ku shideen illaah mahadii waan ka baxnay qeyb dambe lakiin wax noo haray majiraan xitaa dharkii waaa ay gubeen”

Sidoo kale wariyaha intii uu ku sugnaa halkaasi waxa uu la kulmay labo ruux oo dadka deegaanka ah isagoo weydiiyay dareenkooda sida ay u arkaan goobaha ganacsiga soomaalida ee dib loo furayo waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo laabashada ayaga oo intaa raaciyay in malmahii ay maqnaayeen ay dhibaato weyn kala kulmeen adeeg yada aas aasiga ah ay ka heli jireen dukaamada soomaalida.

Mid kale ayaa yiri ”waaan ku faraxsanahay in ay soo laabteen walaalaheena soomaalida waxaan ka heli jirnay cawinaad aan ka helin kuwa ganacsatada ee south africaanka ah dhibaatada gaartay soomaaida aad baan uga xumahay”

Guddoomiye ku xigeenka jaaliyada Save Soomaali Abdi Calas Maxamuud Guure oo aan kula kulmay xaafada Phillipi ayaa ii sheegay in dadaal dheer ay u galeen sidii dib loogu soo celin lahaa ganacsiga soomaalida isla markaana ay ka shaqeeyeen xal u helida dhibaatadii kala gaartay soomaalida iyo shacabka south africaanka ah.

Si kastaba ha ahaatee xaalada deegaanada phillipi oo hoos yimaada magaalada Cape town ayaa guud ahaan dagan waxaa iminka laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa dib u labaashada oo ay wadaan ganacsatada soomaalida ee ku nool dalka koofur africa.

IMG_5663

IMG_5665

IMG_5669

IMG_5670

IMG_5671

IMG_5672

IMG_5675

IMG_5679

IMG_5683

IMG_5684

IMG_5687

IMG_5695

IMG_5697

IMG_5702

IMG_5703

IMG_5706

IMG_5710

IMG_5714

IMG_5724

IMG_5725

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hey’adda UNHCR caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya Cad-ceeda

Next Post
Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya  Cad-ceeda

Beledweyne oo laga hirgelinayo Leerarka Ku Shaqeeya Cad-ceeda

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In