Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu gubey koofur Afrika-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu gubey koofur Afrika-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dukaamo ganacsi oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu gubay dalka South Africa, kuwa Kalena waa lagu boobay xilli la isku diyaarinayo doorashada dowladaha hoose ee dalka South Africa.

Xilli todobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka South Africa ayaa magaalooyinka iyo gobolada kala duwan ee dalkaan South Africa waxaa ka dhacaya dambiyo kala duwan oo lala xariirinayo arimaha doorashooyinka ee diyaar garowka loogu jira.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Falalka laamaha amniga laga diiwaan galiyay waxaa ay isugu jiraan dilal,dhac ,iyo waliba rabshado lagu boobayo goobaha ganacsiga ee dadka ajaanibta ah iyo kuwa South Africaanka ah.

Falkii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Mbkweni oo qiyaastii  70 km u jirta magaalada Cape Town  kadib markii shacabka xaafadaasi loo diiday dhul ay guryo ka dhistaan waxaana taa badalkeeda ay dhigeen banaan baxyo arintaasi ay uga soo horjeedaan taana ay sababtay in kooxo burcad ah ay ka faa’iideystaan oo ay boobeen goobaha ganacsi oo ay lahaayeen dadka ajaanibta ah oo ay ku jiraan dukaamo ay ku ganacsadaan dad Soomaali ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dhibaatada kasoo gaartay ayaa ku booqday halka dhibaatada ka dhacday waxaana ay ii sheegeen in kooxo burcad ah oo kusoo dhax dhuuntay dadka dibad baxyada dhigayay  oo ay weydiiisteen lacago baad ah markii ay diideen kadibna dab la qabad siiyay goobtooda ganacsiga sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Muqtaar Cali Maxamed.

Cabdiraxmaan Faarax Xundubeey oo ka mid ah ganacsatada hantidooda la boobay ayaa ii sheegay in goobtooda ganacsiga ay ka qaateen kaliya sharciyadii ay dalka ku joogeen isla markaana ay soo badbaadisay haweeney daris laheyd oo gurigeeda ku xareysay inta kooxaha burcada ah ay raadinayeen.

Inkastoo dalka South Africa oo dhan ay ka dhacayaan rabshadaha hadana xilliyada doorashooyinka waxaa sii kordha falal dambiyeeyda la xariira arimaha doorashooyinka sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Muuse Muuse Afrah gudoomiyaha Jaaliyada Somali Community Board  ee magaalada Cape Town.

Laamaha amaanka ayaa ku jira dadaalo lagu xakameeynayo falalka amaan darada ah ee kooxaha qaswadayaal ahi ay geysanayaan waxaaana wasaarada police-ka ay sheegtay in kal dacwadeedyo kala duwan laga diiwaan galiyay saldhiga police-da waxaana loo xil saaray gudiyo ka kala socda lamaaha amaanka in ay baritaano ku sameeyaan dhacdooyinkaasi marka ay so kala cadaadaan maxkamado lasoo taagi doono.

IMG_9657 IMG_9664 IMG_9678 IMG_9685 IMG_9703 IMG_9707 IMG_9716 IMG_9737 IMG_9739 IMG_9741 IMG_9753 IMG_9758 IMG_9784

W/D: C/laahi Qorshe-South Africa

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta furay shir looga hadlayo hindise sharciyeedka jinsiyadda Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Hillary Clinton oo aqbashay musharraxnimada xisbiga Dimuquraaddiga+Sawirro

Next Post
Hillary Clinton oo aqbashay musharraxnimada xisbiga Dimuquraaddiga+Sawirro

Hillary Clinton oo aqbashay musharraxnimada xisbiga Dimuquraaddiga+Sawirro

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In