Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
Kooxo burcad South Africaan ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaala xaafada lagu magacaabo khaliija oo qiyaastii 30 km u jirta  magaalada Cape Town ee dalka Koofur Africa.
Weerarka oo si kala duwan uga dhacay xaafadaas ayaa waxaa ay kooxda burcadda ah ku dileen ilaa  saddex ruux oo Soomaali ah, kuwaa oo ay ugu tageen goobahooda ganacsiga oo xaafadaasi ku yiilay.
Labo ka mid dhallinyaradaasi oo lagu kala magacaabo Mahad Salaad Axmed iyo Muxudiin Geedi Cali waxaa lagu dilay hal dukaan, waxaa sido kale halkaasi lagu dhaawacay Axmed Muxumed Nuur kaa oo iminka lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaalada magaalada Cape Town.
Burcadda ayaa sido kale weerar ay ku qaadeen isla goobo kale oo ganacsi oo halkaasi ka ag dhawaa waxaa ay ku dileen wiil kale oo Soomaali ah kaa oo  lagu magacaabi jiray  Maxamed Cabdi Cali .
Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ganacsiyada ku leh ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilalkan is daba jooga ah ee lagu hayo dhallinyarada Soomaalida ee deegaankaasi ka shaqeysta, manajirto dhac ay kooxaha burcada ah u geysanayaan goobaha ganacsiga taasi oo ka dhigan in kaliya ay doonayaan in ay dilaan dhallinyarada ka shaqeeya goobahaasi ganacsiga.
Ciidaamada booliska ee deegaankaasi majiraan ilaa iminka cid ay usoo qabteen falalkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhacay.
Alle ha u naxariiste Muxudiin Geedi Cali oo ka mid ah dhallinyarada xalay la dilay waxaa uu ilmo adeer la ahaa Aadan Mahdi Cali iyo Yuusuf Xasan Cali oo 12-kii iyo 24-kii  Janaayo ee bishii ina dhaaftay kooxaha burcada ah ku dileen xaafadaasi khaliija.

C/laahi Qorshe
Johannesburg South Africa

Previous Post

RW Ku-Xigeenka oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Horjoogayaasha sarre ee Khawaarijta oo dareemaya cabsi iyo walwal Xooggan 

January 5, 2026
0

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlada Ciidmada Qaranka ay ka fulinayaan deegaanada ay khawaarijtu ka filaneen howlgalada waxaa...

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo la hadalay Radiomuqdisho ayaa sheegay inay ku guulaysteen dadaalo ay mudooyinkaan wadeen kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In