Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
Kooxo burcad South Africaan ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaala xaafada lagu magacaabo khaliija oo qiyaastii 30 km u jirta  magaalada Cape Town ee dalka Koofur Africa.
Weerarka oo si kala duwan uga dhacay xaafadaas ayaa waxaa ay kooxda burcadda ah ku dileen ilaa  saddex ruux oo Soomaali ah, kuwaa oo ay ugu tageen goobahooda ganacsiga oo xaafadaasi ku yiilay.
Labo ka mid dhallinyaradaasi oo lagu kala magacaabo Mahad Salaad Axmed iyo Muxudiin Geedi Cali waxaa lagu dilay hal dukaan, waxaa sido kale halkaasi lagu dhaawacay Axmed Muxumed Nuur kaa oo iminka lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaalada magaalada Cape Town.
Burcadda ayaa sido kale weerar ay ku qaadeen isla goobo kale oo ganacsi oo halkaasi ka ag dhawaa waxaa ay ku dileen wiil kale oo Soomaali ah kaa oo  lagu magacaabi jiray  Maxamed Cabdi Cali .
Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ganacsiyada ku leh ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilalkan is daba jooga ah ee lagu hayo dhallinyarada Soomaalida ee deegaankaasi ka shaqeysta, manajirto dhac ay kooxaha burcada ah u geysanayaan goobaha ganacsiga taasi oo ka dhigan in kaliya ay doonayaan in ay dilaan dhallinyarada ka shaqeeya goobahaasi ganacsiga.
Ciidaamada booliska ee deegaankaasi majiraan ilaa iminka cid ay usoo qabteen falalkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhacay.
Alle ha u naxariiste Muxudiin Geedi Cali oo ka mid ah dhallinyarada xalay la dilay waxaa uu ilmo adeer la ahaa Aadan Mahdi Cali iyo Yuusuf Xasan Cali oo 12-kii iyo 24-kii  Janaayo ee bishii ina dhaaftay kooxaha burcada ah ku dileen xaafadaasi khaliija.

C/laahi Qorshe
Johannesburg South Africa

Previous Post

RW Ku-Xigeenka oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In