Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gargaara Finance oo heshiis maal-gelin ah la saxiixatay Amana Bank

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Gargaara Finance oo heshiis maal-gelin ah la saxiixatay Amana Bank
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xalfalada heshiiska lagu kala saxiixday waxaa ka qeybgalay Madax ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Beeraha, Mas’uuliyiinta Hay’adda Maaliyadda Gargaara iyo madaxda Bangiyada.

 

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

Hay’addan uu maalgeliyay Bankiga Bank Aduunka (World Bank) iyo dawladaha xubnaha ka ah ayaa maalinnimadii shalay aheed (22kii September 2022) la saxeexatay Amana Bank hehiis maalgelin ah. Maalgelintaaas wuxuu bankiga Amana siin doonaa ganacsatada Beeralayda, Kaluumaystada, Xoolalayda iyo Ganacsata Tamarta (Renewable Energy).

 

Gargaara waxay hadda maamusha lacag gaadhaysaa 40 Malyuun, taas oo 26 kamida loogu talagalay inay gaadho ganacsatada yaryar iyo kuwa heerka dhexe ah.

 

Waxaana lacagtaa toos u maalgeliya bankiyada, Lacagtaasi maaha deeq ee waa maalgelin si markii aay soo noqotaba dad kale loo siiyo, oo aay ummad badan gaadho.

Dadka la maalgelin doono waxaa lagu qiimayn doonaa khibradooda, daacadnimadooda, kartidooda iyo amaanadooda, Bankiyada aay hay’addu maalgelinayso waxaa la mariyaa qiimayn qorshaysan oo laba heer ah.

 

Qiimayntaas waxaa lagu eegaa awoodda maamul, maaliyadeed, hufnaaneed iyo koboc ee bangiigu leeyahay, Waxaana Bangiyada lagu kala siiyaa derajooyin.

 

Bangiga Amana ayaa hadda loo aqoonsaday inuu helay derejo fiican oo aay Hay’addu kula macaamili karto, wuxuu Amana leeyahay awood khibradeed, maamul iyo amaano, oo uu lacagtaas ku maamuli karo, taas ayaana keentay in maamul ka Gargaara ogolaado in heshiiskan la saxeexo.

 

Agaasimayaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleymaan Sheekh Cumar oo hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri “Hadafka maal-gelintan ayaa diirada saarayaa dadka wax-soosaarka laf-dhabarka uh sida dumarka iyo dhalinyaradda aanan fursad maal-galineed horey u helin si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka waqtigaan” ayuu yiri Agaasime Suleyman Sheekh.

 

Suleyman Cabdi Ducaale ah oo Agaasimaha Gargaara ayaa sharaxay dhaqaalaha ku baxayo Mahsruucan, muhiimadiisa, iyo faa’iidada uu u leeyahay umaddeena, isla markaana Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Aduunka ugu mahadceliyay taageerida maal-gelintaan.

 

“Heshiiskani waa kii afraad oo Gargaara la saxeexato bankiyada dalka, iyadoo hore kan oo kale la saxeexatay bankiyad Amal, IBS iyo Premier.

Waxay hay’adu qorshaynaysaa inay dhowr banki oo kale heshiisyo la gasho saddexda bilood ee soo socda.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Guulaha CXDS Ay Ka Gaareen Howlgallada Ka Dhanka ah Argagixisada

Next Post

Wasiir Fiqi oo qiray in la gaaray dariiqii guusha ee lagu soo afjari lahaa Kooxaha nabad-diidka

Next Post
Wasiir Fiqi oo baaq u diray odayaasha dhaqanka

Wasiir Fiqi oo qiray in la gaaray dariiqii guusha ee lagu soo afjari lahaa Kooxaha nabad-diidka

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In