Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gargaarkii ugu horreeyay oo la gaarsiiyay dadkii ay saameysay fatahaadda wabiga ee G/Sh/dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gargaarkii ugu horreeyay oo la gaarsiiyay dadkii ay saameysay fatahaadda wabiga ee G/Sh/dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gargaarkii ugu horreeyay ayaa maamulka Gobolka Shabelaha dhexe waxa uu gaarsiiyay  dadkii uu saameeyay Fataahadda wabiga Shabeelle ka sameeyay Tuulada Bayxoow oo hoostaga degmada Jowhar.

Abdhir Caddow Hiraabe Gudoomiye Ku xigeen Amniga iyo siyaasadda ee degmada Jowhar ayaa tilmaamay in gargaarkan uu muhiim u yahay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay Fatahaadda wabiga Shabeele ee Tuulada Bayxaaaw.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeleah Dhexe Cali Cabdulaahi Guudlaawe ayaa sheegay in Gargaarkan oo ka yimid Hay’ad islaami ah la gaarsiin doono Dagmadda Mahaday oo sidaas oo kale uu ku fatahaya Wabiga .

“waxaan u mahad celinaya Hay#adda Islamic Relief Inter National oo gargaarkan na soo Gaarsiiyay Waa kii ugu Horeeyay ee la gaarsiiyo dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga ee Tuulada Bayxaaw kaliyana Maahee Wabigu waxa uu ku fatahay Tuulooyin hoostaga Dagmooyinka Mahaday iyo Balcad” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa intaa ku daray in dadka ay fathaaddu sameeyeen aanay ku filneeyn gargaarka la soo gaarsiiyay .

“Gargaarkan  kuma filna dadkan waxa waliba soo dhow Bisha ramadaan Cidkasto oo awooddo waxan ugu baaqayna inay u soo Gurmadaan dadka Fathaaduuhu ay dhibaateeyeen anagana waxaan Ballan qaadaynaa inaan si Cadaalad ah u Gaarsiino wixi Naloo keeno dadka looga tala galay ee dhibaataysan sida dadkan aan ugu qeybinay” sidaasi waxaa yiri gudoomiye Cali Guudlaawe.

Gargaarkan oo hordhaca ah aya sidoo kale waxa lagu wadaa in la gaarsiiyo deegaanno kale oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah, waxaana uu ku soo beegmaya xili deegaannada qaar dadkii daganaa ay ka barakaceen markii uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Cabdishakuur Cali Axmed Jowhar

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka, booqdayna xarunta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In