Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoonka Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo duqa hobyo

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Garoonka Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo duqa hobyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, ayaa lagu soo dhaweeyay wafdi ka yimid Muqdisho oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha cusub ee Degmada Hobyo Cusman Axmed Cabdule, ayna qeyb ka yihiin waxgarad iyo ganacsato u yimid sidii ay u la kulmi lahaayeen madaxda Dowlad goboleedka Galmudug sida Madaxweyne QoorQoor oo la filaayo inay isla lafa guraan sida ugu wanaagsan ee looga shaqeyn karo howlaha horumarineed ee Degmada Hobyo.

Mas’uuliyiin dowladeed oo ka tirsan Wasaaraddaha Galmudug, kuxigeenka Duqa Dhuusamareeb Cabdisamad Salaad Aadan iyo qaar kamid ah bulshada kasoo jeeda Mudug ee ku sugan Caasimadda,ayaa wafdiga duqa Hoobyo kaga hortagey Garoonka Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, iyagoo si sharaf leh wafdiga ugu soo galbiyey gudaha caasimadda, ugana wareestay ajandayaasha howlaha muhiimka ah ee u yaala maamulka cusub.

Related posts

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026

Hobyo oo ah degmo xeebeed istaraatiiji u ah Galmudug, ayaa muddooyinkii dambe sameynaysay dhaqdhaqaaq ganacsi oo baaxad leh, kaas oo soo bilaawday dhawaan kuna qotoma maalgashi ay sameeyeen ganacsatada oo suuragaliyey in dekedu bilaawdo shaqooyinka soo dejinta adeegyada fudud iyo gaadiidka, oo Xukuumaddu ka hesho dhaqaale baaxad leh.

Maayerka cusub ee Hobyo Cusman Axmed Cabdule, ayaa u sheegey Mas’uuliyiinta soo dhaweeyay in uu isku howli doono sii wadista howlaha horumarinta dekeda iyo guud ahaanba degmadaasi, kalana fariisan doono madaxda isaga ka sareysa, soona kordhin doono mashaariicda lagu dhiso adeegyada bulshada.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS oo kormeeray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka ah

Next Post

Golaha Shacabka BJFS oo loo qeybiyay sharciyo dhowr ah

Next Post
Golaha Shacabka BJFS oo loo qeybiyay sharciyo dhowr ah

Golaha Shacabka BJFS oo loo qeybiyay sharciyo dhowr ah

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In