Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoonka Diyaaradaha Degmada Xudur Oo Dib U Habeyn Ku Socoto “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Garoonka Diyaaradaha Degmada Xudur Oo Dib U Habeyn Ku Socoto “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkadaha iska leh diyaaradaha xamuulka qaada ee isticmaala garoonka diyaarada ee Degmada Xudur ayaa cabasho ka keeney isticmaalka garoonka gaar ahaan halka diyaaradaha ay ku ordaan oo ay sheegeen in uu leeyahay dhagxaan iyo jaay badan oo diyaaradaha aan ku ordi karin.

Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maareeyaha Garoonka Diyaarada iyo Wakiilada shirkadaha diyaaradaha isticmaala garoonka ayaa siwadajir ah garoonka uga bilaabay howlo lagu nafiidinayo jaayga oo aad ugu batay garoonka iyo dhagxaanta oo meelaha qaar ka soo baxay, si aysan hakad u gelin duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha ay ku samaynayaan garoonka oo ah isha ugu muhiimsan Gobolka Bakool.

Related posts

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026

Howshaan oo socon doonta muddo 2 maalmood ah waxa gebi ahaamba garoonka laga uruurinayaa jaayga iyo dhagxaanta, waxana si ku meel gaar ah loogu shubayaa ciid loogu talagalay iyo waxyaabo kale oo diyaaradaha ku ordi karaan oo aan dhib u keeneynin.

Madaxa wakiilada shirkadaha diyaaradaha degmada Xudur Cali Cabdiraxmaan Karyare iyo Maareeyaha Garoonka diyaaradaha degmada Xudur Cabdullaahi Aadan Xareedow ayaa sheegey in maanta ay ka nadiifinayaan dhagxaanta iyo jaayga, ee ay duuliyeyaasha diyaaradaha kaxeeya cabashada ka keeneen, ayna qorsheynayaan in maalinta beri ah ay gaba gabeyn doonaan howlaha ay ka bilaabeen garoonka.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in garoonka uu yahay mid dabiici ah xili walbana diyaaradaha ay ku degi karaan, qorshihii garoonka lagu dhisi lahaana ay socoto, waxaana uu guddoomiyaha shirkadaha ugu mahadceliyey in wixi caqabado ah oo jira ay la wadaagaan ka maamul ahaana diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaaan cabashada.

Previous Post

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo qabatay shir ku saabsan sharciyada hortabinta u leh dalka+sawirro

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Miinooyin Ka Saaray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Miinooyin Ka Saaray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Miinooyin Ka Saaray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In