Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafuud ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaasha dawlad-goboleedyada Jubbaland Axmed islaan Axmed madoobe iyo Koofur-Galbeed  Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe, ayagoo ka qeyb galaya shir dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada uga furmaya magaalada Garowe.

Masuuliyiinta ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah magaalada ayagoo salaamayey  dadweyne ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta wafuuddan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo dhaweynta masuuliyiintan ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan wafuudda ku sugan magaalada Garoowe ay ka wada qeyb geli doonnaan shirka wada tashiga Soomaaliya oo ah shir muhiim u ah waddanka.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan soo dhaweeyo madaxweyneyaasha dawlad-goboleedyada Koonfur-Galbeed Shariif Sasan Shiikh Aadan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaan Axmed Madoobe oo u yimid inay ka qeyb qaataan shirka wada-tashiga Soomaaliya iyo dawladnimada Soomaaliyeed. Ajadayaal badan ayaa shirkaas looga wada hadli doonaa shirkaas, shalay waxaa noo yimid madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, ujeeddaduna waxa weeye in la isku yimaado oo laga wada hadlo arrimo muhiim u ah Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Cabdiwali Gaas.

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Koonfur-Galbeed  Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey soo dhaweynta isagoo shirka Garoowe  ka rajeeyay mid is bedel wanaagsan u horseeda Soomaaliya. “waxaan rajaynaynaa in madaxda isku timid ay noqdaan kuwo taariikhda Soomaaliya wax ka beddela, dhibaatada jirtana wax ka bedela, Soomaalina gaarsiiya midnimo iyo wada-socod iyo walaalnimo iyo dawladnimo” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka jubbaland Axmerd islaan Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaantinkiisa Puntland.

“Imaantinkeenna halkaan wuxuu noqon doonaa mid natiijo guul iyo mira dhal ah laga gaaro,wax badan ayaa Soomaalidu arrimiheeda banaanno iyo meelo kale ku soo dhameysatay, waxa laga hadlayo hadday tahay hogaamiyeyaasha Soomaalidu ha isku yimaadaan oo iyagu gudahooda haku tashadeen iyadoon cidi ku dhaxjirin wixii masiirka umadda Soomaaliyeed ah hallaga tashado, waxay ila tahay mar dhaw waxaan gaari doonna sidaan si ka beddelan oo wanaagsan” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada oo dhawaan uu ka furmi doono shir u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka ka jira. Shirkaas ayaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee waddanka iyo hiigsiga 2016-ka.

Previous Post

Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 29 04 2015

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 29 04 2015

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In