Sunday, March 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqol (100)Ruux oo ka mid ah dadka aragga la’ ee ku nool magalaada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta maamulka iyo ardada jaamacadda SIMAD  u qaybiyeen ulaha loogu talo galay dadka aragga la’.

Ardada iyo maamulka jaamacadda SIMAD ayaa waxaa ay u qorsheeyeen sanad walba bishaan oo kale in ay sameeyaan barnaamijyo ay ku caawinayaan bulshada danyarta ah ama ay uga qayb qaadanayaan hormarinta dalka, dadkaan 100 ka gaaraya ee maanta ay u qaybiyeen ulaha ayaa waxaa ay ku noolyihiin xaafadda Buulo xuubey ee degmada Wadajir.

Related posts

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka mahadceliyay meelmarinta Dastuurka

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka mahadceliyay meelmarinta Dastuurka

March 8, 2026
𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲

𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲

March 8, 2026

Qaar ka mid ah ardada jaamacadda ayaa waxaa ay ka hadleen waxyaabaha ku dhaliyay in ay is xilqaamaan oo ay u soo baxaan in ay gar gaaraan dadkaas.

“Maalintaan waxaa la yiraa public Service Day waxaan ugu talo galnay in aan ka dhigno maalin aan bulshada danyarta ah u adeeegno,sanadkii hore maanta oo kale waxaan nadiifinay wadooyinka magaalada qaar oo aan qashinka ka qaadnay maanta dadka aragga la’ ayaan caawineynaa waana sii wadi doonaa” ayuu yiri mid ka mid ah ardayda.

Ardadan ayaa ugu baaqay dhallinyarada dhigta jaamacadaha kala duwan ee dalka in ay iyaguna fuliyaan howlo lagu caawinayo dadka dan yarta ah , gaar ahaan kuwa naafada ah.
“ Waxaan ugu baaqaynaa ardayda nala midka ah ee dhigata jaamadaha in ay iyaguna caawiyaan walaalahood dhibaateysan, gaar ahaan dadka aan laxaadkoodu dhammeyn”. ayuu yiri arday kale.

11174526_861206563933496_6921870005038602219_o

Dadka aragga naafada ka ah ee loo qaybiyay ulaha ayaa waxaa ay Mahad naq balaaran u jeediyeen bahda SIMAD oo ay ku amaaneen doorkeeda caawinta danyarta waxaana ay ugu baaqeen inta la midka ah in ay ku daysadaan.

Qof ka mid ah dadka la caawiyay ayaa yiri “Waan u Mahad naqeynaa maamulka iyo Ardada SIMAD runtii waxaan dhihi karnaa waxaa ay qaateen door muhiim ah waxaa ay noqonayaan jaamacadii ugu horeysay oo na soo gaarsiisa caawinaad caynkaan ah waxaan leenahay waad mahadsantihiin howshaas sii wada waxaan sidoo kale codsaneynaa in bulshadu Soomaaliyeed ay caawisi qofka wata ushaan”
Jaamacadda SIMAD ayaa sidoo kale ballan qaadday in ay waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah siineyso ardayda dhammeysay dugsiyada sare ee ay dhaleen indhooleyaasha dan yarta ah ee ay maanta siiyeen ulaha, sida uu sheegay agaasimaha xiriirka guud  ee jaamacadda SIMAD Cabdikariin Muxudiin Axmed.

“Howshaan aan maanta qabanay waxaa hormuud ka ahaa ardada jaamacadda waxaan u balan qaadeynaa waalidiinta aragga naafada ka ah hadii ay jiraan caruur ay dhaleen oo dugsiga sare ka soo qalin jabisay waxbarasho bilaasha ah ama lacag la,aan ayaan siineynaa” ayu yiri Cabdikariim Muxudiin.

Jaamacadda  SIMAD waxay ka mid mid tahay Jaamacadaha dalka ee ka sokow waxbarashada, bixiya adeegyo waxtar u leh bulshada.

IMG_1906 IMG_1937 IMG_1960 IMG_2044 IMG_2084 IMG_2129 IMG_2193 IMG_2207 IMG_2264 IMG_2308

Previous Post

R/Wasaare ku xigeenka “waa in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”

Next Post

Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Next Post
Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka mahadceliyay meelmarinta Dastuurka

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka mahadceliyay meelmarinta Dastuurka

March 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka Burhaan Aadan Cumar ayaa Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyey inay guteen waajib dastuuri ah, kadib...

𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲

𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲

March 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee JFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee JFS

March 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda...

Dowladda Shiinaha oo gurmadka abaaraha ku taageertay deeq ka kooban lacag iyo raashin

Dowladda Shiinaha oo gurmadka abaaraha ku taageertay deeq ka kooban lacag iyo raashin

March 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Shiinaha ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In