Ra’iisal wasaare ku xigenka xukumadda Federaalka ah ee Soomaliya mudane Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa dadkii ku dhawacmay qaraxii 20-kii February ee sanadkaani ka dhacay masjid ku yaalla gudaha Hotel Central ee magalada ayaa sheegay inuu ka bogsaday isla markaana uu dib ugu soo laabtay gudashada waajibaadkiisa qaran.
Mudane Maxamed Cumar Carte oo caafimaad loogu qaaday dalka dibadda ka soo laabtay ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ugu mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay taageero siiyeen.
“Waxaan ugu horeeyn u mahad celinayaa guud ahan shacabka Soomaliyeed oo mar kasta ila soo xiriiri jiray si ay wax uga ogadaan xaladdayda caafimaad, waxaana u sheegayaa in xaaladayda caafimaad ay tahay mid wanaagsan , dhaawacu waxa uu iga soo gaaray labada lugood iyo suulka gacanta, hadda waan fiicanahay” ayuu iri Mudane Carte.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in magaallada Muqdisho ay u baahan tahay in laga xoojiyo qeybta adeegga gurmad degdegga ah, si dadka ay waxyeelladu gaarto ay u helaan gargaarka ay u baahan yihiin ka hor inta aan la geynin goobaha caafimaafka. Arintaasna ay xukuumaddu wax ka qaban doonto.
“Marka ay wax dhacaan, waxaan loo bahan yahay dad tababaran oo markiiba ka jawaabi kara xaladaha deg degga ah, tusaale ciidanka marka ay galaan meel iyagoo tababaran oo garanaya wax ay qabanayaan waa wax lagama maarmaan ah, waana in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”
Mudane Cumar Carte ayaa tilmaamay in shakhsiyan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarrada ay fulinayaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
“aniga wax iska kay badalay majiraan waxaan Allah hortiisia ugu dhaartay ummadda Soomaliyeed inaan wax u qabto” ayuu yiri Ra’isul wasaare ku xigeenku.
Maleeshiyada Argagixisada ah ee AL-Shabaab ayaa bishii February weerar is-miidaamin ah ku qaaday masjid ku yaalla Hotelka Central, halkaas oo ay dadku ku tukanayeen salaadda Jimcaha, in ka badan 30 qof ayaa ku geeriyooday weerarkaasi. Sidoo kale kooxdaan ayaa weerarro la mid ah ka geysta dalka, kuwaas oo ay ku waxyeelleeyaan dad aan waxba galabsan.