Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garowe Oo Maanta Lagu Qabtay Kulan ku Aadan Tallaalka COVID-19 ” SAWIRRO “

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Garowe Oo Maanta Lagu Qabtay Kulan ku Aadan Tallaalka COVID-19 ” SAWIRRO “
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Puntland, ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan u qareemida Tallaalka COVID-19.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Gobaleed Puntland Mudane Sayed Cumar Guuleed, Wasiir-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland Iyo Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland, Agaasimaha Adeegga caafimaadka asaasiga ah, mas’uuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay ardayda Jaamacadaha, Nabadoono, Haween iyo Dhalinyaro, Ciidamada Booliiska iyo Dadweyne kale.

Mr. Cabdirasaaq Abshir Hirsi Agaasimaha Caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Puntland oo shirka furay, ayaa ka hadlay muhiimada tallaalku leeyahay iyo sida bulshada looga rabo inay ka qeyb qaataan gaaritaanka inta ugu badan ee dadweynaha Puntland, waxa uu xusay in aduunku marayo caruurta in tallaalka la siiyo.

Cabdirasaaq Xagaa Madaxa Tallaalada Hay’adda UNICEF oo ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan wasaaradda Caafimaadka Puntland uga mahadcelinayaa qabsoomida kulankaan loogu qareemayo si bulshada inta ugu badan loo gaarsiiyo tallaalka si aan usoo gaarsiino ugu yaraan 50% kiiba, waxaana dawlada laga doonayaa inay ka qaybqaataan sidii loo laba jibaari lahaa wacyigalinta qaadashadiisa waxaa Puntland hada yaala in ka badan hal million oo xabo una baahan inaan ka faa’iidaysano.”

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland iyo wasiir ku-xigeenka Waxbarashada oo ka hadlay, ayaa dhankooda bogaadiyay ka soo qeybgalka u qareemida qaadashada tallaalka waxayna fariin u direen macalimiinta dugsiyada quraanka iyo kuwa Dugsiga kale qaadashada tallaalka.

Mudane Sayed Cumar Guuleed Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Puntland oo kulanka soo xiray ayaa yiri:-

“ Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo shirka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay ka soo qaybgalka kulankaan loogu qareemayo in la kordhiyo qaadashada tallaalka bulshadeena ee COVID-19 oo Wasaaradda xarumaha Caafimaadka inta ugu badan gaysay haday ahaan lahaayeen kuwa Dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaan farayaa bulshada Puntland inay qaataan tallaalkasi markale looga baaqsado dhimasho uu sababo xanuunka.”

“Dhamaan dadka ka soo qeybgalay waxaan idinkula dardaarmayaa inaad dadweynaha u sheegtaan inay heli karaan tallaalka meelkasta oo ay ugu tagaan kana qaataan.”

Previous Post

Guddiga Gurmadka Abaaraha KGS Oo Kulan La Qaatay Madaxda IOM 

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Ku La Qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka 

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga Oo Ku La Qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka 

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Ku La Qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka 

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In