Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

garsoorKulan ay maanta yeesheen  xubno ka tirsan Garsoorka dalka  ayaa waxaa ka qeyb galay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Benaadir Xaashi Cilmi Nuur, Qareenno iyo garsoorayaal, waxaana lagu soo dhaweeyay go’ankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka iyo Guddoomiyihii racfaanka ee maxkamadda gobolka benaadir.

Luul Maxamed Taabit oo ah xubin ka tirsan garsoorka dalka oo kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaamtay in xilka ka qaadista guddoomiyihii hore ay ku timid da’a, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan guddoonka cusub.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Degteerada uu soo saaray Madaxweynaha ee uu xilka kaga qaaday da’ahaan waan soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay garsoor ahaan inaan la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub”ayay tiri Luul.

Dr Xasan Maxamed Cali Wariiri oo ahaa guddoomiyihii racfaanka ee Maxkamadda gobolka benaadir ee shalay xilka laga qaaday ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha

“Waxaan ku faraxsanahay, oo aan ayidsanahay go’aankii Madaxweynaha, maadaama uu yahay Madaxweynaha dalka, sidaas darteed wax kale oo aan sheego ma hayo oo aan ka ahayn inaan ayido go’aankaas”ayuu yiri Xasan.

Dr Maxamed Maxamuud Maxamed Guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii Madaxweynaha dalka, ayna la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare.

“Waxaan isugu nimid inaan ayidno, oo aan aqoonsano go’aankii Madaxweynaha, kaasi oo ahaa xilka qaadista guddoomiyihii hore ee Maxkamadda, isla markaana aan ku soo dhaweyno guddoomiyaha cusub o qeyb ka ah dar dargelinta howlaha garsoorka, waana la shaqeyneynaa”

Kulankan ayaa imaanaya xilli shalay degreeto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dalka xilkii looga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Guddoomiyihii racfaanka ee Maxkamadda gobolka benaadir.

Previous Post

Muwaadiniinta Turkiga oo Fiisa la’aan gali kara waddamada midowga Yurub

Next Post

Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar “SAWIRRO”

Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In