Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniinta Turkiga oo Fiisa la’aan gali kara waddamada midowga Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniinta Turkiga oo Fiisa la’aan gali kara waddamada midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Midowga Yurub ayaa rasmiyan ku taliyay in muwaadiniinta Turkiga loo ogolaado in fiisa ama dal-ku-gal la’aan ay galaan inta badan waddamada xubinta ka ah midowga Yurub.

Arrintaasi ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo heshiis midowga Yuurb uu horey ula galay Turkiga oo ku saabsan muhaajiriinta.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

October 4, 2026
Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

October 4, 2026

Guddoomiye ku xigeenka golahani, Frans Timmermans, ayaa sheegay in Turkigu uu ku khasban yahay in uu shuruudo muhiim ah ka soo baxa, balse uu ku socda waddo wanaagsan oo arrintaasi horseedeysa.

Isbadalkaasi dhanka dal-ku-galka muwaadiniinta Turkiga ayaa la dhaqan gelin doonaa bisha Luuliyo ee sanadkan, balse waxa ay arrintaasi u baahan tahay in uu ansixiyo baarlamaanka reer Yurub iyo in inta badan waddamada reer Yurub ay arrintaasi isla ogolaadaan.

Heshiiska ayaa dhigaya in Turkiga uu la wareego muhaajiriinta Giriigga uga soo tallaabay dhanka badda Aegean-ka.

Golahani ayaa sidoo kale isbadal ku sameeyay nidaamka magangelyo siinta Yurub si loo yareeyo dhibaatada Giriigga iyo Talyaaniga ka haysata qulqulka muhaajiriinta.

Xigasha Laanta Af Soomaaliga ee BBC

Previous Post

Kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Next Post

Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Next Post
Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Garsoorayaal soo dhaweeyay go'aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan...

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta kormeeray xarunta Ciidanka NISA ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In