Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhirtu waxay ka mid tahay Khayraadka Rabbi uu ku maneystay dadka iyo noolaha kale waxayna u leeyihiin manaafacaad kala duwan oo la wada garanayo, balse marka laga yimaado manaafacaadkaasi waxaa jira faa’iidooyin muhiim ah oo ay dhirtu leedahay, kuwaasi oo nolosha u bahan tahay, Dhirta waxaa lagu tilmaami karaa Gogosha dhulka waa bilic iyo qurux Eebbe uu ku manaeystay.

 

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Magaalada Muqdisho ayaa mar la oran jiray magaaladi cagaarneed waxaayna dhirtu ku beerneed goobaha Jardiinooyinka , Jidadka iyo waliba guryaha, iyadoo halku dhigyada dhirta uu ahaa “haddaad Geed goyso Geed beer”, waxaana sanadadii 1980-maadkii la bixiyay magaca ah “Kacaankii Cagaaraa” oo loola jeeday in lagu baraarugsaano dhireynta Caalamka.

Haddaba iyadoo la weyneynayo Xuska maalinta dhirta oo ku beegneyd shalay oo ay bisha Apriil ay aheyd 17-ka, ayaa waxaa lagu kala qabtay Gobolada dalka, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulada gobolada, waxaana looga hadlay ahmiyadda ay dhirtu u leedahay deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha jara dhirta, maadaama ay dhirtu nolol u tahay dadka, Duunyada iyo deegaankaba.

Xubnihii ka hadlay kulankaasi ayaa dhamaantood ku baaqay in la joojiyo jaridda dhirta iyagoo ballan qaaday in Ciidamada iyo shacabkuba ay si wadajir ah uga hortagi doonaan Kooxaha u soo jeestay jarista dhirta oo laf dhabar u ah nolosha dadka iyo duunyadaba.

Munaasabad lagu maamuusayey maalinta dhirta adduunka oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasi oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay 3000, oo dhir ah kuwaasi oo qaarkood lagu beeray goobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka, Barxadda Yaasiin, Taalada SYL iyo darjiinooyin kale oo aad u muhiimsan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo shalay ka qayb galay xuska maalinta Dhirta Soomaaliyeed, ayaa daah furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero Dalka hal milyan oo geed.

Dhiraynta dalka ayaa qeyb ka ah halbeegyada ay wasaaradda Xanaanada xoolahu ku leedahay tubta horumarinta dhaqaalaha, si looga hor tago xaalufinta iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee ay kamidka yihiin duufaanta, fatahaadaha iyo abaaraha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in haddii muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu beero hal geed in dalka si wanaagsan loo dhirayn karo, sidaa darteed ay muhiim tahay in laga wada qayb qaato ololaha dhir beeridda dalka.

Haddaba annagoo og ,muhiimada ay dhirtu u leedahay Noolaha ayaa hadda waxaad arkeysaa in waayadaan dambe la arkayo Kooxo badan oo u soo jeestay inay jaraamn dhirta iyagoo aan u aabba yeeleen, si siman, waxaana int badan ay dhigtaan jariddooda lacag ay ka abuuraan Dhuxusha, sidaasi awgeed waa in loo soo jeestaa badbaadinta Dhirta si looga gaashaanto xaaluf deegaaneed iyo Abaaro soo noq-noqda, marka waxaan leenahay Geedka daa waa noloshaadee.

W.D.C/laahi Ruush

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada oo kulamo kula yeeshay Turkiga Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi

Next Post

Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

Next Post
Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In