Rabi ha u naxariisto jeneraal Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii dhisay ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerar ay kooxda dhiiga shacabka soomaaliyeed baneysatay ee argagaxisada ay ku qaadeen hoteelka Afrik
Jeneraal Galaal ayaa mudo ka badan 50 sano ku dhax jiray shaqda ciidanka wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.
Dadka yaqaanay marxuum Galaal waxay sheegeen in uu dhashay sanadkii 1938.
Wasiirka warfaafinta XFS mudane Cusmaan Dubbe ayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Jeneraal Galaal