Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa ka qaybgalaya shirweynaha Caalamiga ee Ururrada Xuquuqulka Insaanka Adduunka oo maanta ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.
Wafdiga oo ay Guddoomiyaha ku wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Mudane Maxamed Haaruun Maxamuud iyo Komishiner Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa shirka maanta waxaa diirradda lagu saaray dhibaatada ka dhalata tahriibka iyo saameynta ay ku leedahay waddamada caalamka gaar ahaan dalalka qaaradda Afrika.
Wafdiga Soomaaliya ayaa inta uu shirku socdo waxaa kulamo gaar ah uu la yeelan doono hey’ado ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwa qaaradda iyo kuwa gobolka Geeska Afrika.










