Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

God-key Geeyeen iyada iyo Gabankeedii.!!!

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
God-key Geeyeen iyada iyo Gabankeedii.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanooyinkaan dambe waxaa soo badanayay in Qaraxyo lala beegsado goobaha Dadka rayidka ah ku badanyihiin sida Maqaayadaha, Hoteelada, Waddooyinka iyo goobaha ganacsiga, waxaana ugu dambeeyay tii ka dhacday Mall-ka lagu magacaabo Muqdisho Mall.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Inta la ogyahay ugu yaraan 10-Ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen Qaraxa Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ka gaysteen Degmada Xamar-wayne gaar ahaan meel u dhow Muqdisho Mall oo horay loo oran jirey Kuraaja Del Suud.

Dadka dhintay waxaa ka mid aha Hooyo Shukri C/laahi oo xilligaasi ku sugneed goob dharka lagu iibiyo oo ay ku lahayd meel ka soo horjeeda Suuqa Muqdisho Mall iyo Wiil keeda Maxamed Jacfar oo shaqada ku caawinayay.

Waxaa ku dumay Dhismaha Dukaanka ay ku ganacsanayeen Shukri iyo wiilkeeda, iyadoona markii danbe laga soo saaray burburka hoostiisa iyagoo Meyd ah.

Shukri C/llaahi waxay korineysay Lix Caruur ah oo ay dhashay sida ay inoo sheegeen dadka aqoonta u lahaa, waxay xoog iyo Garab buuxa u ahayd caruurteeda oo ay u shaqaynaysay.

Allaha u naxariiste Shukri caruurta ay ka tagtay ee hada nool waa Shan, waxaana u yar Gabar Saddex Sano Jir ah, iyadoo Caruurta inta kale ay ku jiraan xilliga waxbarashada.

Ehelada Marxuumiinta ayaa inoo sheegay Maxamed Jacfar inuu ahaa 17-sano jir, xillina waxbarasho ku jira xilina Hooyadiis ku caawiya Shaqada.

Alle ayaa Quraankiisa ku sheegay in Qof kasta oo ku talagal u dila qof Mumin ah inuu Abaalkiisa yahay Naarta Jahanamo oo waliba uu ku waarayo.

وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا

4-tii feebaraayo Al-Shabaab waxay God-ka Geeyeen hooyo Shukri iyo Gabankeedii.

W/D Maxamed-kaafi Sheekh Abuukar

Previous Post

Hay’adda NISA oo faah faahisay howlgal lagu dilay maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay danjire David Concar +Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay danjire David Concar +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay danjire David Concar +Sawirro

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In