Qaybo badan oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku dhuftay Abaaro baahsan kuwaas oo ay ku nafwaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed, ka dib markii ay waayeen Biyo iyo Cuno, sidoo kale Qoysas badan ayaa cayrtoobay ka dib markii ay Abaartu latagtay Xoolihii ay ku tiirsanayd Noloshoodu.
Ma ahan wax cusub in ay Abaaro ka dhacaan Soomaaliya, hase ahaatee Sanadkaan ayaa ahaa mid uu ka baahsan yahay Qasaaraha gaaray Dadwaynaha gaar ahaan kuwa ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sababtuna ma’aha in abaartu ay ka kulushahay Abaarihii hore balse sababta ugu wayn ee keentay Qasaaraha gaaray Shacabka ayaa ah is-hortaag ay Kooxda Alshabaab ku samaysay Gurmadkii lagu caawin lahaa Dhibanayaasha.
Kooxda Alshabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah Goobaha ay sida daran u saamaysay Abaarta oo ay ka mid yihiin deegaano ka kala tirsan Dawlad-goboleedyada Jubaland, Koofurgaleed, Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa mamnuucday nuuc kasta oo gargaar ah oo ay helilahaayeen Dadwaynahaas,taas oo keentay in Shacab badan oo iyaga iyo Xoolahoodaba labadbaadinkaray in ay latagto Abaarto.
Kaliye uguma ekayn Dadwaynahaas Kooxdu in ay Go’doomiso , balse waxey xitaa udiideen in ay ka baxaan Goobaha ay Maamulaan,iyagoo ugaarsaday qaybo yar oo ka mid ah Shacabkaas oo isku dayay in ay kazoo baxsadaan Go’doonkaas.
Kooxda ayaan intaas uga harin Shacabka ay abaartu saamaysay, iyagoo meelaha qaar kusoo rogay in ay Bixiyaan Xoolo ay ugu magac dareen Sako iyo Taakulayn xilli ay iyaguba ku jiraan xaalad adag,tani waxeey deegaanada qaar ka dhalisay in Shacabku ay qaataan Hubkooda kana hor yimaadaan Boobka Shabaab,tsaale fiicanna waa deegaanka Dumaaye ee Gobalka Mudug oo Shacabka ku nool halkaas ay Dagaalo qaraar kala hortageen Maleeshiyada Kooxda una gaysteen Jab wayn, inkastoo ay Kooxdu gaysteen Falal arxan darro ah oo ay ku cabsi galinayeen Dadka Deegaankaas.
Marka la eego sida loogu Gurmaday Shacabka ku nool Goobaha aanay Kooxdu saamaynta ku lahayn, sida Deegaanada Soomaaliland iyo Puntland waxaa lagu guulaystay in aad loo yareeyo Qasaaraha iyadoo adeegyo isugu jira Biyo,Cunto, Daawo iyo waxyaabo kale taas oo Dadbadan oo ku sugnaa Xaalad quus ah kusoo celisay Rajada, balse Dadka ku sugan qaybaha ay Kooxdu ku sugantahay ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaan nasiib u yeelan in loo Gurmado halkaas oo ay ku nafwaayeen Dad iyo Xoolo badan iyagoo aan helin wax caawin ah.
Marka dib loo raaco Taariikhda Abaaraha Soomaaliya oo ah kuwa dhaca dhawrkii Sanaba hal mar, waxaa ay helijireen Shacabka Abaarooba, Gurmad Caalami ah iyo mid Guda ah, taas oo markasta badbaadinjirtay Dad badan, hase ahaatee Abaarta Sanadkaan, waxeey u muuqataa mid uu baahsanyahay Qasaaraheeda taas oo ka dhalatay Cunaqabataynta Alshabaab.
Falkaan, ayaa muujinaya sida aanay Kooxda Alshabaab wax dan ah uga lahayn Shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer ay gabaadsanayeen,kuna noolaayeen Xoolaha ay xoogga uga qaatay, waana fariin si toos ah uga socota Bulshada isla markaana baraysa kuwa ay yihiin Alshabaab,iyadoo ay horay Bulshadu marqaati uga soo ahayd Ficillo Gumaad ah oo Alshabaab iyo xulufadoodu ugu gaysteen Bulshada Soomaaliyeed,tani ayaana horseedikarta Kacdoon Bulsho oo sii dhamaystira Kooxdaan oo aad loo wiiqay Sanadihii lasoo dhaafay, balse kusii dhaqdhaqaaqaysay ku dhex kaluumaysiga Bulshada ay hadda Ciqaabayso.
W/Q: C/raxmaan Yuusuf Sheekh (Al-Cadaala)