Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay ayaa mar kale kordhisay muddada hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya,waxanay sheegeen inuu socon doono illaa 31-ka May 2017-ka.

Qaraar uu golaha ammaanka meel-mariyay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in tirada AMISOM laga sare mariyo 22,126-askari, taasoo ay ku sheegeen mid lagu dar-dar-geliyo hawl-galka iyo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Golaha ammaanka qaraarkan uu diyaariyay ayaa waxa kaloo lagu sheegay in AMISOM laga doonayo inay Ciidamada Soomaaliya ku wareejiyaan qaybo ka mid ah hawlaha ay hayaan si ay Ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadyadooda ku aaddan sugidda nabad gelyada.

Taliska AMISOM, ayaa laga codsaday inuu u dhabbo-galo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeeya shacabka ku nool goobaha Al-shabaab laga saaray iyo Ciidamada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa AMISOM kula taliyay inay furaan waddooyinka xiran ee muhiimka u ah in shacabka deegaannada la xoreeyay loo gaarsiiyo sahayda iyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Ciidanka ANISOM ayaa lagu boorriyay inay ilaaliyaan xeerarka caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha xilliyada ay dagaallada kula jiraan Al-shabaab, Isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan xafiiska Xuquuqda Aaadanaha ee Qaramada Midoobay (UNSOS).

15-ka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka  ayaa ugu dambayntii Taliska AMISOM  ka dalbaday in baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha ciidanka loo soo jeediyo, isla markaana la dhawro xeerarka iyo shuruucda ciidamada iyo kan caalamiga.

Previous Post

R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

Next Post

Maxkamad ku taala Jarmarlka oo xukunno ku ridday rag ka tirsan Shabaab

Next Post
Maxkamad ku taala Jarmarlka oo xukunno ku ridday rag ka tirsan Shabaab

Maxkamad ku taala Jarmarlka oo xukunno ku ridday rag ka tirsan Shabaab

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In