Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 8, 2016
in Wararka
0
Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay ayaa mar kale kordhisay muddada hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya,waxanay sheegeen inuu socon doono illaa 31-ka May 2017-ka.

Qaraar uu golaha ammaanka meel-mariyay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in tirada AMISOM laga sare mariyo 22,126-askari, taasoo ay ku sheegeen mid lagu dar-dar-geliyo hawl-galka iyo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Golaha ammaanka qaraarkan uu diyaariyay ayaa waxa kaloo lagu sheegay in AMISOM laga doonayo inay Ciidamada Soomaaliya ku wareejiyaan qaybo ka mid ah hawlaha ay hayaan si ay Ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadyadooda ku aaddan sugidda nabad gelyada.

Taliska AMISOM, ayaa laga codsaday inuu u dhabbo-galo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeeya shacabka ku nool goobaha Al-shabaab laga saaray iyo Ciidamada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa AMISOM kula taliyay inay furaan waddooyinka xiran ee muhiimka u ah in shacabka deegaannada la xoreeyay loo gaarsiiyo sahayda iyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Ciidanka ANISOM ayaa lagu boorriyay inay ilaaliyaan xeerarka caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha xilliyada ay dagaallada kula jiraan Al-shabaab, Isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan xafiiska Xuquuqda Aaadanaha ee Qaramada Midoobay (UNSOS).

15-ka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka  ayaa ugu dambayntii Taliska AMISOM  ka dalbaday in baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha ciidanka loo soo jeediyo, isla markaana la dhawro xeerarka iyo shuruucda ciidamada iyo kan caalamiga.

Previous Post

R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

Next Post

Maxkamad ku taala Jarmarlka oo xukunno ku ridday rag ka tirsan Shabaab

Next Post
Maxkamad ku taala Jarmarlka oo xukunno ku ridday rag ka tirsan Shabaab

Maxkamad ku taala Jarmarlka oo xukunno ku ridday rag ka tirsan Shabaab

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In