Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Amaanka ee Jimciyadada Qurumaha ka dhexeysa ayaa si kulul u cambaareeyeey weerarkii Maleeshiyada argagixisada Al-Shabab ay ku qaadeen ciidamada Amisom ee dhawaan ka dhacay deegaanka Golweyn ee ku dhow Buula-Mareer Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliska Amisom ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay kaga dhinteen 12 askari ayna kaga dhaawacmeen 7 kale kadib markii weerar Naflacaarinimo oo gaadmo ah ay ku qaadeen kooxaha argagixisada Alshabaab.
War qoraal ah oo ay soo saareen Golaha Amaanka ee QM ayaa uga ka tacsiyeeyey qoysaska askarti geeriyootay, ayagoo inta dhaawacantayna u rajeeyay soo ka basho.
Goluhu waxa uu sheegay in argagixisadu waji kasta oo ay leedahay ay tahay halista ugu weyn ee heysata Ammaanka Dunida, waxeyna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in kuwa dambiyada galaa, kuwa abaabula iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiyaaba la horgeeyo cadaaladda.
Golaha amaanka waxay ku ceceliyeen sida ay uga go’antahay taageerista Nabadda xasiloonida, iyo Horumarinta Soomaaliya.
Waxeyna sheegeen in weerar argagixiso oo kuwo arxan daran ay geystaan in aanu wiiqi doonin ka go’naanshahooda taageeridda Soomaaliya .
Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa ka taageerta Soomaaliya, dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska