Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyey (UNSOM), kuna boorriyay inay gaaraan dalka oo dhan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyey  (UNSOM), kuna boorriyay inay gaaraan dalka oo dhan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha golaha ammaanka ee Q/midoobay ayay diirada ku saareen arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana arrimaha howlgalka xafiiska Q/midoobay ee (UNSOM), waxaana kulankan Soomaaliya uga qeybgalay xubno uu hogaaminayay Sii-hayaha madaxa ergada Q/midoobay ee Soomaaliya Mudane Cawaale Cali Kullane, isaga oo halkaasina ka jeediyay hadal.

Kulankan oo sidoo kale, looga dooday horumarada Dowladda Federaalka ee dhinacyada, Amniga, dhaqaalaha, howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, qatarta ka immaaneysa kooxaha argagixisada, wuxuuna goluhu muhiimad u arkay in muddada loo kordhiyo howlgalka xafiiskeeda dalka Soomaaliya, ee uu madaxda ka yahay Amb. Nickolas Key, waxaana ogolaansho buuxda loo siiyay inuu sii shaqeeyo illaa sanadka 2016.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Golaha ammaanka ayaa ku booriyay xafiiskan inuu baahiyo howlgalkiisa isla markaana uu gaaro dhamaamba gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, si loo helo adeeg isku dheeli tiran oo ay dareemaan maamulada iyo dhinacyada kale ee Soomaaliya.

Cawaale Cali Kullane oo kulankan ka jeediyay hadal ayaa uga mahadceliyay golaha ammaanka ee Q/midoobay ka warqabkooda iyo garab siinta Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in Dowladda Federaalku ay ku howlan tahay dhismaha iyo tayayenta hay’addaha dowliga, sida hay’addaha Garsoorka, Maaliyadda, Amniga iyo horumarinta Bulshada iyo sidoo kale Hiigsiga 2016.

“Golaha ammaanka waxaan uga mahadcelinay sida hufan ee ay ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo hogaankeeda” ayuu yiri Cawaale Cali Kullane.

Sidoo kale, Cawaale Kullane ayaa ku bogaadiyay golaha Ammaanka ka codsaday inay si gaar ah uga taageeraan Dowladda Soomaaliyeed, tayeynta iyo isku dhafka ciidanka si ay u gaaraan isku filnaashiyo buuxda, awoodna u yeesha inay dalka oo dhan kaga hortagaan duullaanada caddowga.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM oo naftooda u huray sidii Soomaaliya ay u gaari laheyd nabad iyo xasilooni buuxda, mar kastana ciidankeena Xooga dalka la garab taagan taakulo ciidan si wadanka looga saaro goobaha ay weli ku harsan yihiin kooxaha argagixisada ee Al shabaab” ayuu mar kale ku yiri khudbadiisa Cawaale.

Ugu dambeyntiina, Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa uga warbixiyay dadaalada ay Dowladdu wado, gaar ahaana dhisida maamul goboleledyada, sida Jubba land, Koofur Galbeed, iyo Galmudug, haatana ku howlan sidii ay u yagleeli laheyd maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhaageyso barnaamijka Dhacdooyinka 29 06 2015

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhaageyso barnaamijka Dhacdooyinka 29 06 2015

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In