Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyey (UNSOM), kuna boorriyay inay gaaraan dalka oo dhan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyey  (UNSOM), kuna boorriyay inay gaaraan dalka oo dhan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha golaha ammaanka ee Q/midoobay ayay diirada ku saareen arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana arrimaha howlgalka xafiiska Q/midoobay ee (UNSOM), waxaana kulankan Soomaaliya uga qeybgalay xubno uu hogaaminayay Sii-hayaha madaxa ergada Q/midoobay ee Soomaaliya Mudane Cawaale Cali Kullane, isaga oo halkaasina ka jeediyay hadal.

Kulankan oo sidoo kale, looga dooday horumarada Dowladda Federaalka ee dhinacyada, Amniga, dhaqaalaha, howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, qatarta ka immaaneysa kooxaha argagixisada, wuxuuna goluhu muhiimad u arkay in muddada loo kordhiyo howlgalka xafiiskeeda dalka Soomaaliya, ee uu madaxda ka yahay Amb. Nickolas Key, waxaana ogolaansho buuxda loo siiyay inuu sii shaqeeyo illaa sanadka 2016.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Golaha ammaanka ayaa ku booriyay xafiiskan inuu baahiyo howlgalkiisa isla markaana uu gaaro dhamaamba gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, si loo helo adeeg isku dheeli tiran oo ay dareemaan maamulada iyo dhinacyada kale ee Soomaaliya.

Cawaale Cali Kullane oo kulankan ka jeediyay hadal ayaa uga mahadceliyay golaha ammaanka ee Q/midoobay ka warqabkooda iyo garab siinta Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in Dowladda Federaalku ay ku howlan tahay dhismaha iyo tayayenta hay’addaha dowliga, sida hay’addaha Garsoorka, Maaliyadda, Amniga iyo horumarinta Bulshada iyo sidoo kale Hiigsiga 2016.

“Golaha ammaanka waxaan uga mahadcelinay sida hufan ee ay ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo hogaankeeda” ayuu yiri Cawaale Cali Kullane.

Sidoo kale, Cawaale Kullane ayaa ku bogaadiyay golaha Ammaanka ka codsaday inay si gaar ah uga taageeraan Dowladda Soomaaliyeed, tayeynta iyo isku dhafka ciidanka si ay u gaaraan isku filnaashiyo buuxda, awoodna u yeesha inay dalka oo dhan kaga hortagaan duullaanada caddowga.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM oo naftooda u huray sidii Soomaaliya ay u gaari laheyd nabad iyo xasilooni buuxda, mar kastana ciidankeena Xooga dalka la garab taagan taakulo ciidan si wadanka looga saaro goobaha ay weli ku harsan yihiin kooxaha argagixisada ee Al shabaab” ayuu mar kale ku yiri khudbadiisa Cawaale.

Ugu dambeyntiina, Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa uga warbixiyay dadaalada ay Dowladdu wado, gaar ahaana dhisida maamul goboleledyada, sida Jubba land, Koofur Galbeed, iyo Galmudug, haatana ku howlan sidii ay u yagleeli laheyd maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhaageyso barnaamijka Dhacdooyinka 29 06 2015

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhaageyso barnaamijka Dhacdooyinka 29 06 2015

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In