Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha ammanka oo isku raacay joojinta dhul-boobka Israel

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Golaha ammaanka oo shir gaar ah ka yeeshay Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen 15 xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ka qabsoomay magaalada new York jimcadii shalay hayd, ayaa waxaa ay meel mariyeen qaraar sheegaya in maamulka Israel uu joojiyo deegaamenta cusub ee uu ka wado dhulka falastiin.

Qoraalka, golaha ammaanka ay isku raaceen ayaa waxaa soo gudbiyay dowlad Masar oo ka laabatay, markii Israel madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ay ka codsatay in uu fargeliyo, hase yeeshee waxaa qaraarka gudbiyay dowladaha, Malaysia, New Zealand, Senegal  iyo Venezuela.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

14 wadan ayaa u codeysay qaraarka halka hal wadan uu ka aamusay,iyadoo dowladda Mareykanka ay diiday in ay codka diidmada qayaxan ee ‘Veto” u adeegsato qaraarkan.

Madaxweynaha, Falastiin Maxamuud Cabbaas, afhayeen u hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu dharbaaxo weyn ku yahay siyaasadda Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa sheegay in qaraarkan uu ceeb ku yahay qaramada Midoobay, isagoo xusay in Israel aan u hogaansami doonin go’aankan.

Ku dhowaad 500,000 oo Yuhood ah ayaa waxaa ay ku nool yihiin 140 guri kuwaas oo la dhisay tan iyo 1967, wxayna ku yaalaan daanta galbeed iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus. Dhismiyaashaas ayaa waxaa ay yihiin kuwo sharci daro ah isla markaana si xoog ah ay ku qabsatay.

Israel, ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in danjiriyaasheeda u fadhiya dalalka New Zealand iyo Senegal in ay u yeeraneyso si wada tashi ugu yeeshaan arintan, iyadoo sidoo kalena joojisay mashaariic ay ka waday wadanka  Senegal.

Hase ahaatee, Israel wax xiriir diblomaasi ah lama lahan dalalka Malaysia iyo Venezuela oo qaraarkan qeyb ka ahaa soo diyaarintiisa.

 

Previous Post

FAALLO: Shabaab oo gubaya Gabaadkoodii ugu danbeeyay

Next Post

DAAWO Barnaamijka Waxbarashada

Next Post
Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho

DAAWO Barnaamijka Waxbarashada

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In