Saturday, November 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee Kalfadhiga 8-aad.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026

Guddoomiyeyaasha Guddiyada ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda shaqo, kuwaas oo ay ka mid yihiin ka shaqaynta shuruucda horyaalla Golaha, dardargelinta isla-xisaabtanka iyo xoojinta korjoogteynta hayโ€™adaha iyo Wasaaradaha Dowladda.

Kaddib dood iyo falanqayn dheer, waxaa la meel mariyay ajandayaasha Golaha iyo qorshe-hawleedka Guddiyada ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka hayโ€™adaha Dowladda, lana xoojiyo wada-shaqaynta dhammaan Guddiyada Aqalka Sare.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFSย 

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In