Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
50 minutes ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Isniin, 10 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guueleystay in uu sii hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

August 10, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

August 10, 2026

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duubnida dhow ee ka dhexaysa hay’adaha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo Barlamaanka, taasi oo mudnaan gaar ah siinaysa dardargelinta qorshayaasha Qaranka, si loo xoojiyo dowladnimada, loona gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu dambayn Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u rajeeyay masuuliyad gudasho, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso hey’adaha sharci-dajinta dalka, si loo horumariyo shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah xasilloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Previous Post

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS 

August 10, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 10 Agoosto 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray...

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

August 10, 2026
0

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday...

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray dalka Turkiga 

August 10, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban saraakiil sare oo...

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS 

August 10, 2026
0

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay warbixinnada baaritaannadii uu sanadkan ku sameeyay hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In