Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka sare oo maanta warbixin ka dhageystay Danjire Cali Siciid Fiqi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka sare oo maanta warbixin ka dhageystay Danjire Cali Siciid Fiqi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qorshe howleedka kala fadhiga saddexaad ee Golaha,iyagoo dhanka kale warbixin ka dhageystay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi oo maalmihi u danbeeyay ku howlanaa Arrimaha soo daad gureynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa dalka Liibiya.

Fadhiga oo ay ka soo qeyb galeen 36-Senator ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare,waxaana marka hore Golaha Aqalka sare ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen qorshe howleedka kalafadhiga saddexaad ee Golaha Aqalka sare,maadama ay horyaalaan howlo muhiim u ah Qaranka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Dhanka kale, Golaha Aqalka sare ayaa warbixin ku saabsan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada caalamka gaar ahaan dalka Liibiya ka dhageystay Danjire Cali Siciid Fiqi.

Wuxuu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi iney jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar oo ku dhibaateysan dalka Liibiya,islamarkaana iyadoo taasi laga duulayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu amar ku bixiyay in loo gurmado dhalinyaradaasi oo ah mustaqbalka dalka.

“ Markii aan aragnay in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed lagu kala iibsanayo dalka Liibiya,waliba loo adeegsanayo guri nadiifin,dhuxul lagu rarto iyo beero falid ayaan go’aansanay inaan inta karaankeena ah u gurmanayo dhalintaasi si dalka loogu soo celiyo,Alle Mahadii waan ku guuleysanay inkastoo wali ay jiraan dhalinyaro badan oo hablo iyo Wiilal leh oo wali xabsiyada dalka Liibiya ku jira,” Ayuu yiri Danjire Cali Siciid Fiqi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dib u soo celinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa dalka gacan ka siiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobay Arrimaha ku shaqada leh sida Hay’adda Socdaalka Aduunka ee loo yaqaano IOM,isagoona dhanka kale sheegay in dhaqaalo fara badan kaga baxday qorshahan.

Qaar ka mid ah Senatarada oo Arrintaan ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo safiirka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loogu damqan lahaa dhalintaasi dalkana dib loogu soo celin lahaa,waxayna isku raaceen in qaraar qarameed laga soo saaro.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa carabka ku dhuftay inaan dalkeenna ka jirin baahi looga cararo,balse loo baahan yahay in laga gudbo reer hebel loona qumo dariiqda saxda ee lagu gaari karo Dowladnimo.

Wuxuuna; Guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in si wadajir ah loo wajaho dhibaatada dalka ka jirta,isagoona Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi ka dalbaday inuu u soo gudbiyo warbixinta dhibaatada tahriibka oo qoraal ah.

Previous Post

DAAWO:- Barnaamijka DOOD FURAN oo uu marti ku yahay Duqa Magaalada Muqdisho

Next Post

Gaddiidka Oo Gaartay Guushii Labaad

Next Post
Gaddiidka Oo Gaartay Guushii Labaad

Gaddiidka Oo Gaartay Guushii Labaad

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In