Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Tirikoobka Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Tirikoobka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Istaatistikada Qaranka.

Kulankii 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Kulanka ayaa waxaa shir guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Intaas kaddib Golaha Aqalka Sare ee ayaa ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Haa ku ogaalatay 30 Senator, waxaana Ka amusay 1 Senator , ma jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa si taa la mid ah waxa ay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, waxaana haa ku ogaalatay 31 Senator, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin.

Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Previous Post

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Next Post

Xarun loogu adeegayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo laga hirgeliyay Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Next Post
Xarun loogu adeegayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo laga hirgeliyay Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Xarun loogu adeegayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo laga hirgeliyay Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In