Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo warbixin ka dhageestay Guddiga arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo warbixin ka dhageestay Guddiga arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu ahaa dhagaysiga warbixinta Guddiga arrimaha Gudaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ugu horrayn xubnaha Golaha la wadaagtay warbixintooda ku saabsan is-barbardhigga noocyada Federaalka, wadamada isticmaala, sababaha loo isticmaalo iyo muhiimaddiisa.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dooda aragtidooda ku saabsan warbixinta Guddiga arrimaha Gudaha, iyaga oo soo bandhigay fikirkooda arrimaha Federaalka, kan ku habboon Soomaaliya iyo tallo iyo tusaalooyin kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa Sanatarrada iyo guddiga arrimaha gudaha uga mahad celiyay warbixinta iyo dooda miisaanka lahayd ee ay maanta Golu ka yeesheen arrimaha Federaalka, wuxuuna sheegay in la sii ambaqaado cilmi baarista arrimaha Federaalka, lana aruuriyo aragtida iyo talada Sanatarrada ay maanta dhiibteen, si loola wadaago Guddiyada qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah gacanta ku haaya.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo tababar u furay guddoomiyaasha dagmooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Next Post
Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In