Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo warbixin ka dhageestay Guddiga arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
August 14, 2023
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo warbixin ka dhageestay Guddiga arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu ahaa dhagaysiga warbixinta Guddiga arrimaha Gudaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ugu horrayn xubnaha Golaha la wadaagtay warbixintooda ku saabsan is-barbardhigga noocyada Federaalka, wadamada isticmaala, sababaha loo isticmaalo iyo muhiimaddiisa.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dooda aragtidooda ku saabsan warbixinta Guddiga arrimaha Gudaha, iyaga oo soo bandhigay fikirkooda arrimaha Federaalka, kan ku habboon Soomaaliya iyo tallo iyo tusaalooyin kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa Sanatarrada iyo guddiga arrimaha gudaha uga mahad celiyay warbixinta iyo dooda miisaanka lahayd ee ay maanta Golu ka yeesheen arrimaha Federaalka, wuxuuna sheegay in la sii ambaqaado cilmi baarista arrimaha Federaalka, lana aruuriyo aragtida iyo talada Sanatarrada ay maanta dhiibteen, si loola wadaago Guddiyada qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah gacanta ku haaya.














Previous Post

Duqa Muqdisho oo tababar u furay guddoomiyaasha dagmooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Next Post
Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In