Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo dalka Itoobiya ay ka socdaan rabshada u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa Qaraar ay soo saareen Golaha Deegaanka ee Magaalda Minneapolis ee Dalka Mareykanka, uuna ku saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, waxa uu ugu baaqay dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalkeeda, sidoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan Wadankaasi.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Cabdi Warsame oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis oo isagu qaraarkan horkeenay Golaha, ayaa u waramay Wariyaha VOA,wuxuuna sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa sii socoshada rabshadahaasi oo saameeyey wadanoolaanshiyaha bulshooyinka labada dhinac.

“Waxaan soo saarnay qaraar ku saabsan sidii loo joojin lahaa colaadaha udhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,kuwaasi oo in muddo ah u soo halgamayay in ay gaaraan hiigsigooda,hadda maadaama uu jiro isbedel siyaasadeed,hadana waxaa soo baxaya colaado ka dhacay deegaano ay kamid yihiin Mooyaale iyo meelo kale,marka qaraarkan waa uu gaari doonaan raiiusl wasaaraha Itoobiya iyo dowladda Mareykanaka,halknai mareykanka waxaa kunool Soomaali iyo Oramo oo wada nool oo wada dhaqmaya,marka waxaan rabnaa in raiiusl wasaaraha uu ogaado dareenkayna”. Ayuu yiri Cabdi Warsame.

Dhawaan Wafdi uu hoggaaminaya Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu 30ka bishan July booqasho ku tago magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykank,halkaasi oo uu ka socdo diyaar garow ku aadan soo dhaweyntiisa.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jirto xiisad colaadeed oo u dhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku noolyihiin Qurbbajoogta u badan ee labada qowmiyadood,taasi oo micnow weyn ku fadhisa marka loo fiiriyo booqashada raiisul wasaaraha.

Previous Post

Israel oo Gaza ku dishay afar Falastiiniyiin ah

Next Post

In ka badan 10 suxufi oo maanta tabbabarka Muqdisho looga furey

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Dakhligii ay qabatay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

In ka badan 10 suxufi oo maanta tabbabarka Muqdisho looga furey

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In