Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Israel oo Gaza ku dishay afar Falastiiniyiin ah

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Israel oo Gaza ku dishay afar Falastiiniyiin ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Israel ayaa jimcihii shalay diley afar Falastiiniyiin ah ka dib markii weeraro kala gooni gooni ah ay ku qaadeen aaga militirigu ka caagan yahay ee ku dhow magaalada Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka magaaladaas.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Weerarka  hore ayaa ka dhacay deegaanada Khan Younis iyo Rafah ee koofurta Gaza, halkaas oo taagiyada iyo dayaaradaha dagaalka ee  Israel ay beegsadeen xarumo ciidan oo ay leeyihiin Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee dhaq dhaqaaqa Xamaas, waxaana laga diley sadex kamid ah xubnahooda.

“Sadex kamid ah Falastiniyiinta ayaa ku shahiiday gacanta ciidanka gumeysiga Israel, labo weerar waxaa ay ka dhaceen waqooyiga Gaza, halka sadex kale lagu qaaday koofurta magaalada Rafax,”  sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay afhayeenka wasaaradda caafimaadka maamulka Gaza ee Ashraf al-Qidra.

Hase yeeshee, afhayeenku ma sheegin magacyada iyo macluumaad kale oo ku saabsan dadka la diley.

Si kastaba, Guutada  al-Qassam ayaa sii deysay magacyada raga laga diley waxayna kala yihiin; Shaaban Abu Khater, 26, Mohamed Abu Farhana, 31, iyo Mahmoud Qeshta, 23 jir ah.

Sidoo kale, dhacdo labaad ayaa la soo wariyay in ay ka dhacday goobta loogu magac daray kala wareega banaan baxyada (return marches) halkaas oo lagu toogtay hal nin waxaana lagu dhaawacay 120 kale markii ciidanka Yuhuuda rasaas iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya lagu furey dibad baxyaasha.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa ninka la diley magaciis ku sheegtay Mohamed Sherif Badwan, oo 27 jir ahaa, kaas oo ciidanka Israel ay rasaas kaga dhufteen xabadka, bariga magaalada Gaza.

Ku dhowaad afar bilood, Falastiiniyiintu waxaa ay magaalada Gaza ka wadaan dibad baxyo dhanka ah Israel, kuwaas oo u soo dhowaanayay deegaanka ay ciidanku ka caagan yihiin ee dhaca xuduuda labaa dhinac.

Tan iyo markii dibad baxyada bilowdeen 30 Maarso ee sanadkan, in ka badan 140 Falastiiniyiin ah ayaa la diley, halka kumanaan kale dhaawacyo soo gaareen.

Dibad baxyaasha, ayaa dalbanaya in loo ogolaado in ay ku laabtaan deegaanadooda oo ay dhaxal u leeyihiin laga soo bilaabo 1948 markaas oo si xoog ah looga barakiciyay isla markaana lagu abuurey maamulka Israel.

Sidoo kale, waxaa ay doonayaan in ay cunaqabateynta 11 sano jirsatay laga qaado magaalada Gaza oo ay qiyaastii ku nool yihiin labo milyan, kuwaas oo dhibaato bani’aadanimo ku heysato magaaladaas.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Kana War-bixiyay Natiijada Shirkii Lusaka

Next Post

Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Next Post
Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In