Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha shacabka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Golaha shacabka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfdhiga 2aad kulankiisa 23aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow

Kulanka oo ay soo xaadireen 139 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa:

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

1) Dhaarinta Xildhibaan Dr.Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed.

2) Dhameystirka warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka.

3) ka doodista warbixinta aqrinta labaad ee hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga.

Hab-dhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux),Ayaa dhaariyay Dr Xildhabaan Maxamed Sheekh Axmed oo deegaan doorashadiisu tahay Hiirshabelle.

Intaasi kadib Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa guddoonka u gudbiyay mooshin ku saabsan xuriyad siinta Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS mudane Cabdalla Axmed Muumin.Xildhibaanada ayaa sii waday dooda ku saabsan warbixinta aqrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka iyadoona doododa ku saleysneed toosin iyo turxaanbixin ku saabsan sharcigaan

Dhanka kale Xildhibaanada, ayaa guda galay ka doodista warbixinta aqrinta labaad ee hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. mudane Mohamed Shaikh nuur Osmaan iyo qaar kamid Ah xubnaha guddiga ayaa faahfaahiyay sharcigaan iyo faaidooyinka uu uleeyahay dalka iyo dadka soomaliyeed aygoona xildhibaanada ka codsaday in ay meelmariyaan si uu udhaqan galo sharcigaan.xildhibaanada ayaa isdul taagay qodbada qaar ee kujira sharcigaan waxayna sheegeen in uu muhiim uyahay dadka soomaaliyeed iyadoo doodooda inta badan ku saleysneeyd toosin turxaanbixin iyo bugaadin loosoo jeediyay Guddiga.

Ugu dambeyntii Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona fartay Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya In ay ka soo talabixiyaan mooshinka ku saabsanaa xuriyad siinta Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS mudane Cabdalla Axmed Muumin oo ay soo gudbiyeen qaar kamid ah xildhabaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta oo kulan la qaatay Safiirka Qatar

Next Post

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada kala duwan ee xafiiska

Next Post
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada kala duwan ee xafiiska

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada kala duwan ee xafiiska

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In