Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray marti gelinta shirka Madaxda dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray marti gelinta shirka Madaxda dowlad goboleedyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, 30, Sep, 2017. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Mudane Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Gobolka ay ka jirto isku tashi Bulshada iyo Dowladda dhexdooda ah taas oo soo dadajin doonta in Al-Shabaab la wiiqo awooda ay halkaas ku leeyihiin, wuxuuna xusay in ciidamada iyo shacabku ay isku tiirsan yihiin oo ay si wadajir ah nabagalyada uga shaqaynayaan.

Waxaa kale oo Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in xaaladahii abaarta uu gobolku kasoo kabanayo isla markana ay Noloshu soo hagaagayso.

Ciidamada ayuu sheegay in la tayayn doono isla markana ay dardar galinayaan sidii Degmooyinka gobolka la isugu furi lahaa deeganada wali Al-Shabaab ay Jubbaland ka joogana looga xorayn lahaa.

Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaaladda Siyaasadda dalka, isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaallada uu ugu jiro sidii magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.

Golaha ayaa isku raacay in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

Labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.

Waxaa kale oo kulanka golaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn lagaga hadlay sidii loo meel marin lahaa xeerka dhulka iyo hantida Dowladda sida ugu dhaw bacdamaa ay muhiim tahay in dhulka dhisan ama banana ee ay Dowladu leedahay in gacanteeda lagu soo celiyo waxaana kulanka kan xiga xubnaha golaha loogu qaybin doona qoraalka xeerkan oo dhamaystiran.

Golahu waxaa kale oo ay ka hadleen dhacdadii diyaaradaha dagaalku ay ku duqeeyeen dad shacab ah gobolka Gedo iyadoo la isku raacay in baaritaan dheeri ah la sameeyo Xukuumaduna ay goโ€™aan rasmi ah oo hawlgalada noocan ah la xiriira soo saarto si loo dhawro muwaadiniinta ku nool meelahaย  Argagixisada lagu beegsanayo waxyeelana looga ilaaliyo.

Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa xubnaha golaha Wasiiradu ka dalbadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo gudbiyo siyaasadda lagu maaraynayo barakacayaasha iyo dadka dib uga soo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

ย —DHAMMAAD—

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Khayre โ€œMaanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidankaโ€ SAWIRRO”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Xerada Tababarka Ciidanka ee maanta Xarigga laga jaray

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Xerada Tababarka Ciidanka ee maanta Xarigga laga jaray

DAAWO SAWIRRADA: Xerada Tababarka Ciidanka ee maanta Xarigga laga jaray

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In