Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay “Akhriso Liiska+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay “Akhriso Liiska+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Aprili 9, 2015….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, xaaladaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yaman iyo Kenya, waxana ay Xukuumaddu madaxooda dul-dhigtay lacago hoggaanka ugu sareeyo Kooxda Al-shabaab.

Ugu horeyn. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11 horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxana golaha wasiiradu ansixiyeen lacago lagu abaal marinayo cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab. Ragga ay dowladda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ku jira hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abu Cubayda, kaas oo madaxiisa la dul dhigay $250,000.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xayiraada ay dowladda Kenya kusoo soo rogtay Xisaabaadka Shaqsiyaad ay ku jiraan dad Soomaaliyeed iyo Xawaaladaha qaar ee ay adeegsadaan Soomaalidu, waxana Golaha Wasiiradu ay sheegeen in dalka Kenya uu joogo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane C/salam Cumar Hadliye, kaas oo Kenya kala xaajoonaya arrimaha taagan.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yaman, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay u dirtay dalka Yaman Markab ka qeyb qaata daad gureynta dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay uga bad-baadaan dagaallada ka soconaya dalkaas.

—DHAMMAAD—-

unnamed (5)

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha J.H.F Sooomaaliya oo xaflad Sa gootin ah loogu sameeyay magaalada Dhuusamarreeb

Next Post

R/wasaaraha dalka oo tacsi u diray qoyska reer Cabdiraxman Faroole

Next Post
Golaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay “Akhriso Liiska+Sawirro”

R/wasaaraha dalka oo tacsi u diray qoyska reer Cabdiraxman Faroole

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In