Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirada oo ka hadlay arrimaha samafalka iyo ciyaarihii maamul goboleedyada ee soo gaba-gaboobay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo ka hadlay arrimaha samafalka iyo ciyaarihii maamul goboleedyada ee soo gaba-gaboobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28 July 2016—Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, gaadiidka iyo duulimaadyada, arrimaha samafalka iyo ciyaarihii maamul goboleedyada ee soo gaba-gaboobay, waxaana shir gudoominayay kusimaha ra’iisulwasaarah ahna wasiirka cadaalada mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo gudbisay warbixin ku aadan amniga dalka gaar ahaan caasimda, wasiirka amniga wuxuu sheegay in ciidanka amniga ay ku dadaalayaan diyaarna u yihiin ka hortaga falalka argagixisada.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Wasiirka gaadiidka iyo duulimaadyada ayaa ka hadlay arrimaha hawada asagoona sheegay in qalabka lagu hago hawad oo 3 kunteenar ah la keeni doono maal-maha soo socda.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan qaabkii loo maamulay markabkii raashiinka ahaa oo ay dowlada aan walaalahanahay ee Turkiga ay ugu deeqday ummada Soomaaliyeed, wasaarada ayaa sheegtay in si wanaagsan loo qeybiyay islamarkaana loo gaarsiiyay maamulada dalka ka jira.

Ugu dambeyntii Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo ka hadlay ciyaarihii maamul goboleedyada dalka ayaa sheegay in 180 dhalinyaro ah la keenay gobolada dalka kuwasoo u ciyaarayay maamulada ay ka kala socdeen, wasiirka ciyaaraha ayaa u mahadceliyay safiirka Turkiga iyo dhamaan hey’adihii gacan ka geystay qabsoomida ciyaarihii maamul goboleedyada dalka asagoona sheegay in wasaaradda ay laba-laabi doonto dadaalada ku aadan sidii ciyaaraha dalkeena kor laagu qaadi lahaa.

a
IMG_8593 IMG_8585 IMG_8572 IMG_8567 IMG_8562

Previous Post

Barack Obama oo ka qeybgalay shirka xisbiga Dimuquraadiga taageerayna Hillary Clinton+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirkii tacliinta sare “SAWIRO”

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirkii tacliinta sare “SAWIRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo xiray shirkii tacliinta sare "SAWIRO"

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In