Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirka Golaha wasiirrada ee  Todobaadlaha ah, waxayaabaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah arrimaha Ammaanka, dardargelinta Sharuucda muhiimdka u ah Hiigsiga Soomaaliya xoojinta dhismaha ciidammada Qaranka iyo Arrimo  kale.

Shirka Golaha wasiirrada ayaa warbixinnada ammaanka dalka looga dhageystay wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo soo  gudbiyey howlgallada dalka ka socda iyo qorshaha xasilinta magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, ayaa warbaahinta u sheegay in Ra’iisul wasaaraha Somaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali uu magcaabay guddiga isku dhafka ciidammada Qaranka Soomaaliya, guddigaas oo ka shaqeyn doona diyaarinta ciidammo hananka kara amniga iyo Difaaca Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa magacaabay guddiga dardargelinta shuruucda dalka, kuwaas oo isugu jira kuwa diyaarsan iyo kuwa hadda la soo saari doona, sida uu sharraxay Afhayeenka Xumuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa dood dheer ka  yeeshay arrimaha waxbarashada dalka, iyadoo lagu guuleystay middeynta Shahaadooyinka waxbarasho ee dalka iyo qaadis Imtixaannaada Soomaaliya.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey  howlgallada ciidammada ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka wadaan Caasimadda, iyadoo ciidammadu ay gacanta ku dhigeen horjeege kooxda UGUS u qaabilsanaa arbushaadda gobolka Banaadir, kaas oo ay Xukuumaddu sheegtay in ay faah-faahinno dheeri ah qabashadiisa ka soo saari doonto, waxaana ammaan loogu soo jeediyey shirka ciidammada amniga ee sida joogtada ah howlgallada xasillinta Muqidsho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ka wada.

111111111

2222222222 3333333333 444444444444

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarrigga ka jaray waddo la dayactiray “Sawiro”

Next Post

Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)

Next Post
Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)

Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In